Ramaas News
News
Kusoo Dhawaada Bogga wararka iyo dhacdooyinka Ramaasnews.com. Kala soco boggan wararkii ugu danbeeyay ee dalka, gobol walba iyo degmo walba, wararka Mandaqada Geeska Africa, kuwa Qaarada Africa, iyo wararka Caalamkaba. War Huban iyo Wakhti ku Haboon!
Tuesday, 08 November 2011 17:50
Hogaanka Dhaqanka Ee Degmada Dilla Oo Qaadacay Qorshaha Dhagaraysan Ee Kooxda Awdal State.
Written by Abdirisak
Dilla (Ramaas) Nov. 8. 2011- madax- dhaqameedka iyo waxgaradka degmada Dilla ee gobolka Awdal ayaa maanta baaq ka soo saaray qorshaha ay kooxda dibed-wareega ah ee Awdal State ku doonayso in deegaamada gobolka Awdal laga dhiso maamul hoostaga xukuumada federal-ka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho. Baaqa ay soo saareen odayaashu oo nuqul ka mida caawa la soo gaadhsiiyay shabakeda wararka ee Ramaasnews ayaa u qornaa sidan: “Anaga oo ku hadlaya codka maamulka degmada Dila , salaadiinta ,cuqaasha,wax garadka iyo dhaliyarada degmada Dilla waxaan halkan ka cadaynayaa in bulshada reer Dili aad iyo aad uga xun tahay isla…
Published in
News
Tuesday, 08 November 2011 15:32
“Maydkii Inankayga Anigaa Aastay, Ninkii Dilayna Hebel-hebel Ayaan U Garanayaa…….Dawladuna Wax Baadhis Ah Kumay Samayn Ilaa Hadda Sababtii Loo Dilay ” Aabaha Wiilkii Boolisku Toogteen
Written by Abdirisak
Hargeysa(Ramaas) Nov 8,2011 - Aabo Maxamed Iid Ibraahim Cabdi oo ah Aabihii dhalay Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee dhawaan ku dhintay Hawl-galkii ay dawladu ku raraysay dadkii daganaa Xaafada Shacabka gaar ahaan Cusbitaalkaa Dabadiisa ayaa sheegay inaanay Dawladu ilaa hada waxba ka qaban Dilkii Wiilkiisa, wax xidhiidha iyo wada hadal ahna la galin. Aabo Iid Ibraahim waxa uu sidoo kale sheegay inaanay Dawladu wax baadhis ah ku samayn Kiiskii Inankiisu ku dhintay,isagana aanay la soo xidhiidhin mudadii uu mootanaa Wiilkaasi. Oday Ii doo aanu wax ka waydiinay in ilaa hada Xukuumada Madaxwayne siilanyo xidhiidh la saoo samaysay kalana hadashay…
Published in
News
Tuesday, 08 November 2011 13:20
Sheekh Xasan Daahir Aweys Oo Beelaha Abgaal, Majeerteen Iyo Ogaadeen Ku Eedeeyay In Ay La Safteen Cadowga Kooxda Al-Shabaab.
Written by Abdirisak
Muqdisho(Ramaas) Nov. 8, 2011-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Xarakada Al-shabaab ayaa ku dhaliilay qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed inaysan xidhiidh wanaagsan la lahayn ururka Al-shabaab, laakiin waxa uu sheegay in ay jiraan xubno ka tirsan beelahaas oo Al-shabaab la safan. Beelaha uu dhaliisha u jeediyay Sheekh Xasan Daahir ayaa waxay kala yihiin: Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen, isagoo sheegay in beelahan ay taageeraan dowladda KMG ah iyo ciidamada Kenya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya. "Sida macruufka ah ee la ogyahay beesha Abgaal faasiqooda iyo faajirkooda waa xaafidul Qur'aan," ayuu yidhi Sheekh Aweys.ma Qur'aanka ayaa…
Published in
News
Tuesday, 08 November 2011 12:36
Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Dalka , Xadgudubyada Ay Somaliland Ku Sameeyaan Ciidamada ETHIOPIA Iyo Maamulka La Baxay Awdal State.
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) . Nov. 8, 2011- Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ,ayaa markii ugu horeysay si qoto dheer uga hadlay waaqiciga siyaasadeed ee uu wadanku sugan yahay ilaa intii ay ku guulaysteen awooda sannad iyo badh ka hor. Shir jaraa’id oo uu maanta xarunta xisbiga ku qabtay guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayuu ka akhiriyay qoraal uu kaga hadlayo arrimo ka mid yihiin dagaaladii ka dhacay Magaalada Ceerigaabo, ciidamada ETHIOPIA ee xuduuda ka soo gudba, maamulka Awdal State, doorashooyinka dawlada hoose iyo xeerkii doorashooyinka uu uu golaha Wakiiladu ansixiyay, waxaana uu qoraalku u dhignaa sidan. “Somaliland oo…
Published in
News
Tuesday, 08 November 2011 11:45
Dawlada ERITREA Oo Markii Ugu Horeysay Sheegtay In Ay Taageersan Tahay Dagaalada Ay Kenya Ka Wado Koonfurta Wadanka Soomaaliya.
Written by Abdirisak
Nairobi (Ramaas) . Nov. 8, 2011-Dawlada dalka Eritrea ayaa sheegtay in ay taageersan tahay hawlgallada ay ciidamada milatariga Kenya kawadaan Koonfurta dalka Soomaaliya, iyada oo hadalkan uu ku soo beegmay xilli uu meel xun gaadhay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Kenya iyo Eirtrea. Dajiraha Eritrea u fadhiya Magaalada Nairobi, Beyene Russom ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageersan yahay hawlgallada ka socda Koonfurta Soomaaliya ee lagula dagaalamayo Al-shabaab. "Waan soo dhaweynaynaa hawlgalka ay Kenya kawaddo Soomaaliya, waxaana u aragnaa mid lagu xasilinayo dalka ay dagaaladu la dageen," ayuu yidhi safiirka Hadalkan ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo toddobaadkii…
Published in
News
Monday, 07 November 2011 18:27
Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Guurtida Somaliland Iyo Suldaan Reer Awdal Oo Eedayn U Jeediyay Kooxda Dibed- Meerka Ee Awdal State.
Written by Abdirisak
Booraama ( Ramaas) Nov. 7, 2011- Xildhibaan Nuur Rayaale oo ka tirsan mudanayaasha golaha Guurtida Somaliland iyo Suldaan Cabiraxmaan Muuse oo ka mida madax-dhaqaeedka gobolka Awdal ayaa sheegay in bulshada gobolkaas aanay marnaba taageeri doonin maamulka mala awaalka ee kooxda dibed-meerka ee Awdal State kaga dhawaaqday Magaalada London ee dalka Britain toddobaadkan horaantiisii. Xildhibaanka iyo Suldaanka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama ayaa sheegay in aragtida kooxdaas aanay ka turjumayn masiirka shacabka reer Awdal oo taageersan gooni-isu taaga Somaliland oo ah muqadas. “Wax Awdal-State la yidhaa oo halkan taalaa ma jiro, Awdal oo waa hooyadii Somaliland…
Published in
News
Monday, 07 November 2011 17:02
Wasiir Maaliyada Oo Saaka U Jarmaaday Kastamada Gobolka Awdal Iyo Odoroska Miisaaniyada Qaranka Oo Bisha December La Horgeynayo Golaha Wakiilada + Dakhli Yaraan Soo Food Saartay Xukuumada.
Written by Abdirisak
Boorama(Ramaas) Nov. 7. 2011- Wasiirka maaliyada Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa saaka ku waabariistay kastmada cashuuraha ee gobolka Awdal, isaga oo kormeeray sida ay u socoto shaqada ka socota goobahaas. Wasiirka oo saxaafada kula hadlay Magaalada Boorama markii uu gaadhay halkaas ka dib, ayaa sheegay in socdaalkiisu uu qayb ka yahay u kuurgalid lagu samaynaya dhamaan kastamada dhakhligu ka soo xaaroodo, si loo sameeyo ku talagalka odoroska miisaaniyada sannadka 2012-ka oo la filayo in ay xukuumdu soo bandhigto lacag ka badan 90 milyan oo Dollar. Laakiin wasiirku ma sheegin inuu safarkiisa oo xaidhiidho baadhitaan lagu samaynayo kastamada gobolka Awdal…
Published in
News
Monday, 07 November 2011 16:19
Xildhibaan Axmed Gacan Oo Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Ku Eedeeyay In Ay Caqabada Ku Yihiin Shaqada Golahaas.
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) Nov. 7, 2011-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye Axmed (Gacan ) oo ka mida mudanayaasha golaha Guurtda Somaliland, ayaa si kulul xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ugu eedeeyay in suuldareen shaqadii golahaas. Xildhibaan Axmed Gacan waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo guddoomiayaha Saleebaan ay masuul ka yihiin waajib gudasho la’aanta golahooda oo lagu sameeyay faragelin kaga timid dhanka xukuumada “ Golihii oo hogaan la’ muddo 8 bilood ah ayuu Guddoomiyihii maqan yahay xaalad caafimaad baanu ku maqan yahay uun baa la leeyahay, Ku-xigeenkiisiina wuu xanuunsanayaa, waxa hogaan noo ah ku-xigeenkii labaad markaa taasi golihii waxbay…
Published in
News
More...
Rayiga Dadweeynaha
- Warbaahinta Caalamiga Ahi Maxay Ka Tidhi Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Iyo Xukunka Dilka Ah Ee Sida Deg-dega Ah Maxkamada Milatarigu Ugu Qaaday 17-ka Qof..?
- Maraykanka Oo Muhaajiriin Somali Ah Ka Daad-gureynaya Jasiirada Malta Iyo Tahriibta Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Aad U Kordhaya
- Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysiga Dacwada Masuuliyiinta Eedaymaha Musuqmaasuq U Xidhan Maanta Dib Ugu Dhigtay Codsi Uga Yimid Ciidamada Booliska
- Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo Xukuumada Talada Haysa Ku Dhaliilay Sidii Loo Maamaulay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dalka Shiinaha (Dhageyso).
- Ma Dhab-baa In Madaxwayne Axmed Siilaanyo Laba Maalmood Ka Hor Safarkiisa Shiinaha Afhayeenka Madaxtooyadda U Qoray Warqad Uu Xilka Kaga Qaaday….?
- Nuxurka Heshiiska Madaxwayne Siilaanyo Ku Soo Saxeexay Shiinaha Iyo Shirkadda Shidaalka Ka Soo Saaray Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorhe Hawleedkeeda + Dekeda Berbera Oo La Wareegaysa Hawlihii Dekedda Djabuuti.
Photo Gallery
Subscribe to Newsletter
Shaqooyinka Banaan
| Job Title |
|---|
| Assistant Engineer - Hargeisa |
| Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa |
| Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo |
Arimaha Diinta
Voting Poll
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?
Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%
Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00




