Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha
Ramaas News
News

News

Kusoo Dhawaada Bogga wararka iyo dhacdooyinka Ramaasnews.com. Kala soco boggan wararkii ugu danbeeyay ee dalka, gobol walba iyo degmo walba, wararka Mandaqada Geeska Africa, kuwa Qaarada Africa, iyo wararka Caalamkaba. War Huban iyo Wakhti ku Haboon!

Hargeysa (Ramaas) May o3, 2012 - 3-da bisha May waa maalin ku mudan xasuusta shacabka reer Somaliland yar iyo weynba, waana maalintii uu Alle oofsaday Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. 3-da bishan May 2012-ka ayaa waxa ku buux-samay 10 sanadood oo ka soo wareegay geeridii Marxuum Cigaal oo maanta oo kale sanadkii 2002-dii ku geeriyooday Cisbitaal ku yaala dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan Magaaladda Pritoria. 10 sano ka hor, maanta oo kale shacabka Somaliland waxay u ahayd murugo iyo naxdin, ka dib markii idaacadaha laga dhageystay inuu geeriyooday Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa masuulkii seeska…
Hargeysa (Ramaas) May03, 2012 - Maalinta xoriyatul qawlka aduunka ayaa si weyn loogu xusay Magaaladda Hargeysa , iyada  oo ay ka soo qaybgaleen suxufiyiinta ka hawlgalla Magaaladda Hargeysa iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE. Munaasibadan loogu dabaaldegayo maalinta xoriyadda aduunka oo ay soo qabanqaabiyey ururka suxufiyiinta Somaliland (SOLJA),ayaa maanta lagu qabtay hotel-ka  Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxaana  ay halkaasi ku soo bandhigeen tacayaddiyo ay   xukuumadda Somaliland kula kacday suxufiyiinta Somaliland ka badan 51, waxaana ay tilmaameen in ay sanadkani yahay kii ugu darnaa ee tacidiyo kala duwan loogu gasyto Wariyeyaasha somaliland. Xoghayaha guud ee ururka…
Hargeysa(Ramaas) May. 3, 2012 - Guddida diwaangelinta ururada siyaasada Somaliland , ayaa markii ugu horeysay ka hadlay natiijadii muranka dhalisay ee ay ku dhawaaqeen bishii hore ee March, waxaana ay gaashaanka ku dhufteen eedaymo wax-isdabamarin ah oo ay u soo jeediyeen madaxda ururadii hadhay. Shir jaraa’id oo ay guddidu ku qabtay xafiiskooda Magaalada Hargeysa, waxa au ku sheegeen in ururada hadhay ay ku guuldaraysteen in ay buuxiyaan shuruudihii looga baahnaa, isla markaana aanay suurtagal ahayn in loo aqoonsado ururo Qaran,waxaana ay si faahfaahsan uga hadleen sababtii uu ku hadhay ururkasta. Af-hayeenka guddida diwaangelinta Xasan Axmed Ducaale, ayaa sheegay in madaxda…
Hargeysa(Ramaas) May 2,2012 – Kulan ay maanta yeesheen Xubnaha Hogaanka Gudida Beesha Habar-Awal oo uu Guddoominayay Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/laahi oo ka dhacay Huteelka Guuleed ayaa lagu dhamaystiray Xubnaha Guddida kadib markii ay Beelaha Baha Muuse soo dhamaystireen Xubnahoodii. Kulankan oo ahaa kii ugu danbeeyay ee ay Beeshu ka yeelato sidii ay u dhamaystiri lahayd Guddida Guud ee ka soo farcantay Guddiyadda Ardaayadda Sacad Muuse, Ciise Muuse iyo Baha Muuse ayaa waxa laga soo jeediyay hadalo ku qotoma sidii ay Beeshu iskugu tiirsanaan  lahayd , isla markaana ugu jihayn lahayd awoodeeda Dhinaca Horumarka, Dhaqaalaha…
Hargeysa (Ramaas) May 2,2012 - Shirkadaha Wadaniga ah ee Dahabshiil Group ayaa bilowday mashaariic ay ku horumarinayso jaamacadaha dalka, kaas oo lagu furay dhagax-dhigga afar jaamacadood oo ku kala yaal afarta gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Sool Mashaariicdan oo shirkadaha Dahabshiil Group ugu talogashay inay ku horumariso toddoba jaamacadood oo laga fuliyo hawlo isugu jira dhismayaal fasallo waxbarasho, laybareeriyo ama maktabadaha wax lagu akhristo iyo cusboonaysiin, waxa xaflado shalay la qabtay lagu dhagax-dhigay dhise fasallo waxbarasho ah oo loo samaynayo Jaamacadda Hargeysa, dhismayaasha laybareeriyo ay yeelan doonaan jaamacadaha Burco University ee Gobolka Togdheer iyo Nugaal University ee Laascaanood iyo…
Gaalkacayo (Ramaas) May 2,2012 - Kooxo hubaysan ayaa Caawa waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ee dalka Soomaliya ku dilay wariye ka mid ah idaacadda lagu magacaabo Daljir. Alle ha u naxariistee Wariyahan oo lagu magacaabi Jiray Farxaan Jeemis Cabdalle ayaa kooxdan dablayda ahi ku dileen  Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Magaaladda Gaalkacyo, gaar ahaan agagaarka Xarunta gobolka, wakhtigaasi oo marxuumku ku sii jeeday gurigiisa. Wariyaha oo intii aan la dilin ka soo baxay shaqada idaacada ayaa Kooxihii falkaasi dilka ah geystay ay markiiba iskaga baxsadeen goobtii dilku ka dhacay, iyadda oo la sheegay in maydka Marxuumku uu muddo goobta…
April 6th, 2009 Xaflad lagu soo dhawaynayey beesha nuux Ismaaciil [H/Awal] iyo taageerayaal kale oo ku soo biiray xisbiga KULMIYE, ayaa maanta lagu qabtay Barxad weyn oo ku hortaala Hoteelka Crown ee magaalada Hargaysa, ka dib markii loo diiday in ay Hoteelka ku qabsadaa. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo xafladaasi hadal dheer ka jeediyay ayaa tilmaamay in uu ku faraxsan yahay inuu xafladaasi qiimaha leh oo meel banaan lagu qabtay uu ka qeyb galo. Waxaanu si weyn ugu mahadnaqay taageereyaasha ku soo biiray oo waliba Xisbigaas ugu deeqay qaadhaan toban kun oo Dollar ah. “Xilkii Daahir…
Gaalkacayo (Ramaas) May 2,2012 – Xuska Maalinta Madax-banaanida saxaafadda ee Adduunka oo ku beegan 3-da bishan May ayaa Munaasibad loogu diyaar-garoobayo lagu qabtay Magaaladda Gaalkacayo ee Maamul goboleedka Puntland. Xuskan oo uu soo qaban-qaabiyey urur saxafiyiinta ee NUSOJ oo gacan ka helaysa hay’adda UNPOS ayaa waxa lagu soo bandhigay fariimo ay saxaafada caalamka u direen xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr Banki-moon iyo madaxa hay’adda UNESCO Irina bokova, taasi oo ku aadan debaal-degga maalinta Madax-banaanida saxaafada adduunka. Fariinta xoghayaha guud ee qaramada midoobay iyo Madaxa UNESCO warbaahinta ugu tallo-galeen ayaa lagu sheegay in sanadkan oo kaliya adduunka lagu dilay 62…
«StartPrev12345678910NextEnd»
Page 10 of 195

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner