Addis-ababa (Ramaas) August 20,2011 - Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa soo bandhigtay nuxurka heshiis saddex geesood ah oo caasimadda dalka Shiinaha ku dhex maray dalalka Itoobiya, Shiinaha iyo Somaliland oo Madaxwaynaheedu halkaas u tagay sidii uu qalinka ugu duugi lahaa heshiiskaasi.
War-bixin dheer oo lagu baahiyey wargeyska the Herald oo ka soo baxa Magaaladda Addis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in saddexdan wadan uu dhex maray heshiis muhiimad weyn ugu fadhiya dalalka Itoobiya iyo Somaliland oo markii ugu horraysay ka faa’iidaysan doona maal gelin ay shirkado Shiine ahi ka fulin doonaan Somaliland iyo deegaanka Soomaalida Itoobiya. Qodobada heshiiskaasi ku xusan ee sida rasmiga ah loo shaaciyay waxa ka mid ah dhuumo shidaal oo gudaha Itoobiya ka soo qaadi doona saliidda caydhiin ee dalkaasi u dhoofin doono dibada oo laga dhoofin doono dekadda Berbera.
Dhinaca kale qodobada dhaxal galka ah ee ku jiray heshiiskan saddex geesoodka ah ee ku soo baxay saxaafadda wadanka Itoobiya waxa ka mid ah jid tareen oo isku xidhi doona Itoobiya iyo Somaliland iyo sidoo kale dib u habayn iyo ballaadhin weyn oo Shiinuhu ku samayn doono dekedda caalamiga ah ee Berbera.
Warbixintan lagu baahiyay saxaafadda Itoobiya waxa ay intaasi ku daraysaa in dalka Itooobiya ay dekadda Berbera u isticmaali doonaan oo kale sidii ay uga soo dajin lahaayeen badeecadaha kaargooga ah (Cargo) ee ay badankeeda kala soo degi jirtay dekadda Jabuuti iyada oo warbixintani xustay in tallaabadaasi culys weyn ka qaadi doono dalka Itoobiya oo aan isagu lahayn dekad ay isticmaalaan iyo marin biyood.
Warbixintani waxa ay sidoo kale xustay in shirkadda Hong Kong Petro Company xukuumadda itoobiya la saxeexatay heshiis ay shidaalka qaydhiin ee dalka Itoobiya laga soo saarayo kaga dhoofin doonto Dekadda Berbera, heshiiskaasi oo ku mudaysan 25-sanadood.
Guddoomiyaha shirkadda Pedro Trans John Chine waxa uu suxufiyiinta ku sugan magaalada Addis Ababa u sheegay in shirkadiisu si dhakhso ah u bilaabi doonto heshiiska
ay qalinka ku duugeen oo dhigaya in ay dhulka soo dhigaan beebab lagu qaadi doono shidaalka laga soo saarayo is maamulka soomaalida Itoobiya iyada oo beebabkaasi isku xidhi doonaan ceelasha shidaalka ee gudaha Itoobiya iyo dekedda Berbera ee Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dhismaha beebabkaasi qaadan doonaan muddo saddex sanadood. Warbixintani waxa ay sidoo kale sheegaysaa in kambaniga Hutchison Port iyo shirkadda dhoofinta ee wadanka Itoobiya ee magaceeda loo soo gaabiyo ESL ay si wada jir ah uga hawl gali doonaan Dekadda Berbera, iyada oo qiimaha lacageed oo maraakiibta Shiinaha wax ka soo qaadi doontaa ay Dekedda Berbera ku isticmaali doonaan lagu sheegay lacag lagu qadaray 293 malyuun oo Doollar. Waxaanay maraakiibtaasi si joogto ah u isticmaali doonaan Dekedda Berbera.
Ugu dambayn waxa warbixintan oo aad u dheerayd lagu xusay in wadanka Shiinuha iyo xukuumadda Somaliland si wada jir ah u wada saxeexeen heshiis lagu balaadhin doono Dekedda Berbera ee jamhuuriyadda Somaliland.
Ramaasnews Desk
Hargeisa




