London (Ramaas) Feb 21,2012 – Muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan caasimada dalka Ingiriiska ee London iyo guud ahaan Magaalooyinka kale ee dalkaasi ayaa maalinta bari ah u balansan inay dibax-bax balaadhan ka hor-dhigaan xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska David Camaron.
Dibad-baxan oo dhacaya maalin ka hor qabsoomida shirka dawlada Ingiriisku London ugu qabanayso kooxaha Soomaliya oo Somaliland qayb ka tahay ayaa ah ayaa mid beesha caalamka iyo dawlada boqortooyadda Ingiriiska lagaga dalbanayo ictiraaf caalami ah oo ay Somaliland u fidiyaan maadaama oo ay tahay Jamhuuriyad Madax-banaan oo waxyaabo badan oo la taaban karo qabsatay mudadii ay xornimadeeda kala soo noqotay dalkii Soomaliya.
Dibad-baxan oo la filayo inay ka wada qayb-qaataan guud ahaan jaaliyadaha reer Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo waliba kuwo ku nool wada kale ee Yurub ayaa waxa qaban-qaabiyey guddiyada jaaliyadaha reer Somaliland ee dalkaasi, iyagga oo hore u sheegay in 22-ka bishan February dibad-bax laga hor-dhigi doono xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska, iyagga oo Muwaadiniinto soo qaadan doona calanka Somaliland iyo waliba boodhadh ay ku qoran yihiin kalmado ka turjumaya ujeedada dibad-baxa oo ah in Somaliland la ictiraafo isla-markaana la tixgaliyi nabadgalyada iyo hanaanka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay mudadii ay jirtay.
Dibad-baxan waxa la filayaa inuu ka qayb-qaato weftiga Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan Magaaladda London isla-markaana u diyaar ah inuu ka qayb-galo shirka khamiista ka furmaya London, waxaana la saadaalin karaa in Madaxwayne Axmed Siilaanyo uu shacabka reer Somaliland u jeediyo khudbad la xidhiidha dibad-baxooda iyo waliba ujeedada uu shirka uga qayb-galayo.
Ramaasnews Desk
Hargeisa



