Hargeysa (Ramaas) Feb.05, 2012- Mudanayaasha labada ee baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada , ayaa goordhawayd cod aqlabiyad leh ku meel mariyaya wax ka badel iyo kaabis lagu samaynayo xeerkii ay labada golle iyo Madaxweynuhu ansixiyeen sannadkii 2004-tii ee xukuumada ka mamnuucayaya ka qaybgalka shirarka loo qabanayo kooxaha ku hirdamaya siyaasada dalka Soomaaliya.
Fadhi ay maanta si wadajir isugu yimaadeen labada oo uu shir-guddoominayay af-hayeenka aqalka Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, oo ku sugnaayeen 109 mudane oo ka mida 164-ka ee ay ka kooban yihiin xildhibaanada labada golle , ayaa waxa u codeeyay jabinta xeerkii hore 101 mudane , waxa diiday 3 mudane , waxa ka aamusay 4 mudane, guddoomiyuhuna muu codayn, waxaana sidaas lagu ansixiyay ka badelka iyo kaabista xeerkaas.
In Wax laga badelo xeerkaas, ayaa olole ayaa kala go lahayn ugu jirtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo doonaysa in ay ka qaybagasho shirarka beesha caalamku u qabato kooxaha Soomaaliya oo Somaliland aanay hore qayb uga ahayn, laakiin waxa aan la ogayn cawaaqib xumada ka dhalin karta sharciga ay maanta ooda ka qaadeen labada golle ee sharci dejintu.
Arrinta maanta dhacday , ayaa dhabaha u xaadhaysa in wefti ka socda xukuumadu ay ka qaybgalaan shirka dhibaatada dalka Soomaaliya lagaga hadlayo ee dhacaya Magaalada London 23-ka bishan Febuary.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.




