Muqdisho (Ramaas) Dec 8,2012 – Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee dalka Somaliya ayaa Taliyihii ciidamadda Asluubta ee Somaliya Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) ku ridday xukun Madaxaa xabsi daa’in ah.
Taliyaha ciidamadda Asluubta Somaliya Maxamad Ismaaciil (Indho-buur) ayaa Maxkamadu sheegtay in lagu helay inuu Xabsiga ka siidaayey 14 Maxbuus oo Al-shabaab ahaa.
Sidoo kale, waxa Maxkamaddu ciidamadu shan sanadood xadhig ah ku riday agaasimihii garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida Xasan Axmed Cali (Xasan Liibiya) kaasi oo lagu helay inuu Taliyaha asluubta gacan ku siiyay siidaynta maxaabiista.
Taliyaha Maxkamadda ciidamadda Somaliya Liibaan Cabdi Yaroow oo ku dhawaaqaya xukunka Masuuliyiintan ayaa yidhi “Maxkamadda ciidamada qalabka sida waxay ku xukuntay, Cabdi Maxamed Ismaaciil xabsi daa'in, kaddib markii ay ku cadaadeen eedeymo loosoo jeediyay oo ahaa inuu sii daayay 14-xubnood oo Al-shabaab ka tirsanaa, sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay Xasan Liibiya shan sano oo xabsi ciidan ah, kaddib markii lagu helay in uu gacan ku siiyay taliyaha khiyaanada qaran ee uu sameeyay”
Ramaasnews Desk
Hargeisa






