Burco (Ramaas) Jan 27,2012 – Magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco ayaa waxa la soo gaadhsiiyay maxaabiis tiro badan oo ciidamada qaranku ka soo qabteen Maleeshiyo beeleedyada shalay ciidamada qaranka dagaalka la galay.
Maxaabiistan oo aan tiradooda la hayn ayaa xalay saqdii dhexe la keenay Magaalada Burco, ka dib markii dagaalku dhammaaday ayaa lagu soo daad-gureeyay gaadiidka ciidamada qaranka Somaliland.
Dhinaca kale, Bogaga Internet-ka ee Maleeshiyo beeleedyada Buuhoodle ayaa soo bandhigaya maxaabiis ay ka qabsadeen ciidamada qaranka, kuwaas oo lagu hayo Magaaladda Buuhoodle.
Sidoo kale, waxa Maleeshiyaadku soo bandhigeen gaadhi ay ka qabsadeen ciidamada qaranka, kaasi oo la sheegay inuu si habow ah ugu galay fadhiisinka Maleeshiyaadka Buuhoodle oo markii dambe u kaxaystay dhinaca Magaaladda Buuhoodle.
Wasiirka wasaaradda kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Geell-jirre (Geell-jirre) oo isaguna ka hadlay dagaalkaasi ayaa sheegay in dadka ka dhintay labada dhinacba ay yihiin dad reer Somaliland ah, waxaanu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.
Afhayeen u hadlay Maleeshiyaadka reer Buuhoodle ayaa shaaciyey in dagaalkii shalay lagaga dilay 25 qof, jiraana dhaawacyo intaa ka badan, afhayeenkani sidoo kale waxa uu guulo ka sheegay dagaalkii shalay.
Ramaasnews Desk
Hargeisa



