Hargeysa (Ramaas) June 26,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Caawa khudbad ka jeediyay Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay aqalka Madaxtooyadda, taas oo lagu xusayey 52 guurada xornimada Somaliland ee 26-ka June.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu ka sheekeeyay taariikhda xornimada iyo sababihii keenay in Somaliya lala midoobo, isaga oo sidoo kale cadeeyay in dawladii Ingiriisku Somaliland uga digtay la midowga Somaliya inteeda kale, balse xamaasad Somali-weyn oo wakhtigaa jirtay ay keentay midowgii Somaliya ee dhibaatada laga dhaxlay.







Madaxwayne Siilaanyo, waxa kale oo uu sheegay in aanay qadiyada Madax-banaanida Somaliland marnaba gorgortan galaynin haddii Somaliya wada-hadal lala gallo iyo haddii kaleba, isaga oo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaynu u debaal dagaynaa 52 guuradii ka soo wareegtay wakhtigii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay Isticmaarkii Ingiriiska 26-kii June 1960-kii, muddadaa dheer ee Ingiriisku Ina haystay waxay Somalidu meel kasta oo ay joogaan ku taamaysay inay midowdo, xamaasadii wakhtigaa jirtay ayaa ina gayeysiisay markii aynu xoriyadda qaadanay ayaynu nidhi waxaanu ku darsanaynaa Somaliya oo markaa qaramada midoobay hoos imanaysay maamulkeedu, wakhtigii dawlada Ingiriisku in badan ayay inala talisay oo ay tidhi horta idinku cagijihiina isku taagga oo dawlad noqda hadhow aad ka tashataane (midowga Somaliya), xamaasadii iyo wadaniyadii balaadhnayd ayaa innaga (shacab iyo madaxba) ina madax martay, kolkaasaynu nidhi mayee waanu la midoobaynaa”.





Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu soo qaaday “Waynu ognahay dhibaato badan ayaa ina soo martay, halgan dheer ayaynu soo galnay, ugu dambayntiina waynagii Magaaladda Burco madax-banaanideenii kula soo noqonay, maanta waxaynu u taaganahay inay dunidu inala shaqeeyaan oo ay ina ictiraafaan, waxaan u cadaynaynaa caalamka iyo cidkastaba wada-hadalo halla gallo ama yaan la galin, dano badan-baa iskaga xidhan dadka, dano badan ayaa inagaga xidhan walaalaheen Somaliya, laakiin waxaanu mar walba u taaganahay oo aanaan gorgortan ka galaynin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isku taageeda.”ayuu yidhi waxaanu intaa sii raaciyey “Dabaaldegga maantuna waxa uu yahay mid ina xasuusinaya taariikhdeenii iyo wixii aynu soo marnay, waxaanu cadaynaynaa inaanaan Somaliland xidhiidhkeeda iyo mustaqbalkeeda aanaan cidna gorgortan kala galaynin”.






Munaasibadan waxa ka qayb-galay xisbiyadda siyaasada qaranka oo uu ka mid yahay Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, masuuliyiin UCID ka socday, Wasiirro, haween iyo dhalinyaro faro badan.
Waxa xafladan ka qayb-galay bahda fanka oo uu ka mid yahay Fanaanka Cabdi Qaboojiye oo ka qaaday heeso wadani ah, sidoo kale waxa ka qayb-galay kooxda HAVOYOCO, kuwaasi oo halkaasi ku soo bandhigay ciyaaro dadku ka heleen.
Cabdiqaadir Aaden Carab
Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Hargeisa






