Hargeysa (Ramaas) Jan 22,2012 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka mid ah Labada Wasiir ee Madaxwayne ku xigeenka khilaafku soo kala dhex galay ayaa maanta markii hore ugu horeysay madal wada yimid.
Labada Masuul oo ilaa hadda xaqiiqda khilaafkooda aan la ogeyn, balse warbaahinta badhkeed baahiyeen tibaaxo sheegaya in la isku khilaafay adeegsiga awoodaha xilalka ay qaranka u hayaan, ayaa maanta markii ay si gooni-gooni ah u yimaadeen beerta xoriyada oo uu ka dhacayey dibad-bixii shacabku dhigay ayaa labadoodaba waxa laga dareemayey inay is-jidh-diidayaan, isla-markaana ay kala weji dad-bayaan.
Madaxwayne ku xigeenka Md Cabdiraxmaan Saylici oo isagu tan iyo intii khilaafkani dibada u soo baxay aan lagu arag saaxada Warbaahinta ayaa fagaarahaasi kaga dhawaaqay inuu kursigiisa uga tanaasuli karo reer Sool, ayaa hadalkaasi shacabka u sameeyay dhadhan ah inuu saluugsan yahay la sii shaqaynta xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wakhtigan culays badani saaran yahay.
Sawirkan aad aragtaan waxa uu ka turjumayaa dareenka dhex yaala labadan masuul ee ku salaysan heerka khilaafkoodu taagan yahay, iyadda oo aan ilaa hadda warbaahintu aanay helin xog sheegaysa in khilaafkii dhamaaday.
Ramaasnews Desk
Hargeisa



