Hargeysa (Ramaas) Jan 27,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Tacsi u diray ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha Marxuum Idiris Ibraahim Cabdi oo maanta Hargeysa lagu aasay.
Madaxwaynuhu waxa Marxuumka ILAAHAY uga baryey inuu janadii farduusa ka waraabiyo, shacabka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.
Tacsida Madaxwaynaha ayaa u qornayd sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, oo uu ka tacsiyadaynaayo Geerida Naxdinta leh ee ku timid MARXUUM Dr. Idiris Ibraahin Cabdi oo ahaa Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha JSL oo manta ku geeriyooday magaalada Hargeysa, laguna aasay.
Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo bulshada reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Ramaasnews Desk
Hargeisa



