Hargeysa (Ramaas) Feb 4,2012 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta huteelka Maasnoor qado-sharaf ugu sameeyay Mudanayaasha labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.
Hadhimo-sharafeedkan Madaxwaynuhu u sameeyay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Somaliland ayaa ujeedadeeda lagu sheegay in Madaxwaynuhu kala tashanayey Mudanayaasha ka qayb-galka dawlada Ingiriisku London ugu qabanayso kooxaha Soomalida dabayaaqada bishan labaad.
Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan loo ogolayn in warbaahintu ka qayb-gasho ayaan ilaa hadda la ogeyn waxa ka soo baxay, waxaana la filayaa in Madaxwaynuhu mudanayaasha u soo bandhigay in qorshaha dawlada Ingiriiska ee ku aadan hanaanka Somaliland shirka uga qayb-galayso, kaasi oo hore loo sheegay in dawlada Ingiriisku cadeysay in Somaliland si madax-banaan uga qayb-galayso shirkaasi.
Lama oga in Mudanayaasha golayaasha baarlamaanku Madaxwaynaha ku raaceen inuu taggo shirka London, balse ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Ramaas u sheegay in inta badan Mudanayaashu u holadeen hadalka Madaxwaynaha kuna qanceen in Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta xisbiyadda qaarkood si wada jir ah shirkaasi uga qayb-galaan, iyagga oo matalaya shacabka Somaliland.
dhanka kale, Madaxwaynuhu waxa uu qasriga Madaxtooyadda kulan kula yeeshay qaar ka mid ah ururada siyaasadan ururada bulshada qaarkood iyo Madax-dhaqameedka dalka.
Kulamadan ayaa ahaa kuwo Madaxwaynaha iyo xukuumadiisu taageero ugu baadi-goobayaan ka qayb-galka shirka London.
Ramaasnews Desk
Hargeisa



