Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Maamul Goboleedka Puntland Oo Bariga Sanaag Ka Wada Shidaal Baadhis Iyo Riigag La Keenayo Deegaamadaas.

Majayahan(Ramaas) Feb,05, 2012- Maamul goboleedka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa sahan xoog leh oo uu shidaal ku baadhayo ka wada dhul ballaadhan oo ka tirsan gobolka Sanaag ee Somaliland, waxaana halkaas loo dirayaa kooxo khuburo ah oo ka socda shirkada la yidhaahdo Africa Oil oo hadda ka hawlgasha Puntland.

Khuburada ka socota shirkadda shidaal qodida ee dalka Canada, ayaa gaadhi doona deegaanka Majayahan ee Sanaag ,iyada oo hore jiidaas loo geeyo dad u dhashay Puntland iyo Sanaag Bari oo wada wacgelin ay bulshada kaga dhaadhacinayaan fariinta maamulka Garoowe, waxaana si dhakhso ah loo bilaabayaa sahaminta, iyada oo la diyaariyay riigaga shidaalka oo wakhtigan Gaas iyo Petrol ka baadhaya deegaanka Dharoor oo ka tirsan gobolka Bari.

 

Sida uu maanta shaaca ka qaaday Siciid Faarax oo ka tirsan saraakiisha shirkadda Africa Oil, waxa ay dhawaan diri doonaan dad aqoon u leh shidaalka, oo tagi doona dhulka ku xeeran Majayahan oo la aaminsan yahay in uu ku jiro khayraad dabiiciya oo badan, iyada oo sannado ka hor ay rabshado dhimasho iyo dhaawac gaystay dhexmareen maamulka Puntland iyo dadka deegaanka oo ka gadooday in si aan sharci ahayn loo bililiqayso khayraadkooda.

“ Waxa aan tagaynaa meelo badan oo Puntland, waxa ku jira dhulkan khayraad badan sida shidaalka kala duwan iyo macdan, hadda hal keer Dharoor hawshii waa gabagabo waxa ku jira shidaal dhan ilaa laba milyan oo foosto, Majayahan oo Sanaag ka tirsan waanu tagaynaa, waxa hore u joogay dad nala shaqeeya” ayuu yidh Siciid Faarax.

Puntland ayaa faragelin jooogta oo siyaasada iyo dhaqaalaha ku haysa dhulka Bariga oo ah meelo aanuu ka talin maamulka Somaliland, waxaana ay xilligan indhaha ku  hayaan fursadaha dhaqaalaha ee laga heli karo gobolada Sool iyo Sanaag Bari, iyaga oo la kaashanayao shirkaddo shisheeye ah.

 

 

Ramaasnews desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus