Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Ma Dhab-baa In Madaxwayne Axmed Siilaanyo Laba Maalmood Ka Hor Safarkiisa Shiinaha Afhayeenka Madaxtooyadda U Qoray Warqad Uu Xilka Kaga Qaaday….?

Hargeysa (Ramaas) August 16, 2011 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu ka hor intii aanu u dhoofin dalka dibadiisa uu afhayeenka Madaxtooyadda u qoray qoraal uu xilka afhayeen-nimo kaga qaaday.

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inuu qoraalka sameeyay laba maalmood ka hor intii aanu u dhoofin dhinaca dalka Itoobiya oo uu uga sii gudbay dalka Shiinaha oo uu hadda hawlo shaqo ku joogo.

Qoraalkan Madaxwaynuhu ku eryey Afhayeenkiisa Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo aan ilaa hadda la baahin ama aan dibada uga soo bixin aqalka Madaxtooyadda ayaa la xaqiijiyey in Madaxwaynaha ay ku dhalisay cadho uu ka qaaday habka uu afhayeenku ula dhaqmo saxaafadda
madaxa-banaan, taas oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo dareensan yahay doorkii ay ku lahayd guusha xisbigiisu ka gaadhay doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday 26-kii June 2010-kii, taas oo uu suurto-galisay in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hantiyo gursiga dalka ugu sareeya.

Sidoo kale, waxa la sheegay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo afhayeenkiisa faray inuu u diyaar-garoobo sidii uu xilka ugu wareejin lahaa masuulka loo soo magacaabo xafiiska afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in marka la baahiyo casilaada afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) in si rasmi ah afhayeenka Madaxtooyadda loogu magacaabi doono xog-hayihii warfaafinta xisbiga UCID ee wakhtigii ololaha doorashada Madaxtooyadda lagu jirayf.


Ramaasnews Desk
Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus