Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Lix Ka Mid Ah 30 Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Jaamacad Ku Taala Dalka Maleesiya oo Maanta Wasaarada Waxbarashada Somaliland Sii Sagootisay.

Hargeysa (Ramaas) Feb 22,2012 – Lix ka mid ah 30 arday deeq waxbarasho ka helay wadanka Maleesiya ayaa maanta u ambo-baxay dalka Maleesiya waxaana garoonka diyaaradaha Hargeysa ku sagootiyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Somaliland oo uu ka mid yahay agaasimaha guud.

30-kan arday ee lixda maanta baxay ka midka yihiin ayaa ka mid ahaa arday Jaamacada Al-bukhaari ee dalka Maleesiya ka qaaday Imtixaan tijaabo isla-markaana ku guulaystay inay tagaan dalka Maleesiya, iyadda oo guud ahaan nolosha iyo waxbarashadoodaba ay kafaalo qaaday Jaamacada ay tageen.

 

Agaasimaha waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Khadar Axmed Diiriye oo madaarka kula hadlay warbaahinta markii ardaydu sii dhoofaysay ayaa yidhi “Mashruucani waxa uu ahaa deeq waxbarasho oo Malaysia siisay Somaliland, 30 arday ayey siisay sanadkii hore, sanadkan sodan arday buu ahaa, waxa ardayda laga qaaday 52 dawladood oo mid ba wax laga qaadayey, imtixaankana iyaga soo saxay, anaguna liisku sida uu u kala sareeyey ayaanu u soo dhajinay" ayuu yidhi Mr Khadar, waxaanu intaa ku daray “Waxa dhaqan u ah Somaliland in aanay waxbarashadu musuqmaasuq galin, waligayna waynu ku faani jirnay in aan aqoonta iyo waxbarashadda dambi ka galin, ardayda aqoonta leh waa in aan garab lagu reebin, eex lagu reebin, qabiil lagu reebin oo uu nin waliba halka ay aqoontiiisu dhigto uu gaadho, waxaana loo kala qaada sida ay u kala sareeyan, taasina waxay keentay in ardayda la diraa noqdaan kuwa ugu sareeya ardayda ay wax wada bartaan”.

Qaar ka mid ah ardayda maanta u dhooftay Maleesiya ayaa wasaarada waxbarashada Somaliland uga mahad-celiyey doorka ay ka qaadatay deeqdan waxbarasho ee ay heleen.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus