Hargeysa (Ramaas) Jan 26,2012 – Xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa 24-kii bishan kala saxeexday heshiis shan qodob ka kooban, qodobadaasi oo labada dhinac mid walba dhankiisa wax ku waajibiyey.
Heshiiskan ay kala saxeexdeen xukuumadda iyo Saxafiyiinta Somaliland oo uu matalayo ururka SOLJA oo noqonaya kii ugu horeeyay ee dhex maraya warbaahinta iyo xukuumada talada dalka haysa.
Qodobadan heshiiskan oo sida aynu sheegnay ka kooban shan qodob ayaa laba ka mid ahi waxa ay si gaar ah xukuumadda ugu waajibinayaan arimo ay ka mid yihiin faafinta xeerka saxaafadda ee dhaqan-galka ah iyo inay dhiiri-galiso kana qayb-qaadato horumarinta saxaafadda iyo suxufiga Somaliland.
Saddex qodob oo ka mid ah shanta qodob ee uu heshiiskani ka kooban yahay ayaa iyaguna guud ahaan saxaafadda masuuliyado saaraya, waxaana ka mid ah in saxaafadu yeelato guddi anshax oo kaantaroola suxufiga isla-markaana isha ku haya waxyaabaha ka soo baxaya afka qalinka saxafiga.
Qodobka ugu muhiimsan ee heshiiskaasi ku jira isla-markaana u baahan in lafa-gur lagu sameeyo ayaa ah qodobka afraad, kaasi oo ku baaqay in meel looga soo wada jeedsado ilaalinta nabadgalyada iyo qaranimada Somaliland, kaasi oo saxaafada Madaxa-banaan ku keenaya inay ka gaabsato ka hadalka iyo soo bandhigida dhaqdhaqaaqyada cadowga Jamhuuriyadu ka waddo dalka dibadiisa, kuwaasi oo baahintoodu shacabka iyo xukuumadda talada haysaba u yahay digniin iyo tusaaleyn ku aadan cadowga oo muujinaysa in lala socdo shirqoolkooda.
Qodobkan oo marka si loo eego mudan in lagu dhaqmo, ayaa haddana marka la eego hab-dhaqanka xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo aan saxaafadda madaxa-banaan u cuntami Karin, maadaama oo xukuumadda hadda talada dalka haysa ay qaran-dumis u taqaano Wargeyska ama Website-ka soo tabiya kulamada kooxaha Somaliland diidka ahi la yeeshaan maamulada jiritaanka Somaliland lidiga ku ah, iyadda oo waliba xubnaha xukuumaddu warkaasi iyo sirta cadowga Somaliland maleegayo ee aad soo bandhigtay u arkaan inaad dalka cadow ku tahay.
Mida kale, qodobkan waxa uu meesha ka saarayaa in warbaahintu si tool-moon u soo bandhigto haddiiba masuuliyiinta dawlada qaarkood ay ku kacaan musuqmaasuq ama wax la odhan karo qaranku ayuu lid ku yahay, maadaama oo sida in badani markhaatiga ka tahay haddii masuul khalad ku kacay la soo bandhigo ay masuuliyiinta kale ku doodaan in hay’adda warbaahineed ee warkaasi sheegtay ay qaranka ceebaysay.
Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo muddooyinkan dambe wadda dedaal dheeraad ah oo ay ku doonayaan inay wax kaga bedalaan hab-dhaqanka saxaafadda isla-markaana dhexda u xidhay sidii madax-banaanida saxaafadu u waari lahayd, ayaa qodobka afraad ee aynu ka faaloonay hakad ku keeni karaa dedaalkooda, waxaana haboon in qodobkaasi si qoto dheer loo eego, maadaama oo xukuumaddu ilaalinta qaranimada ee ay heshiiska ku gashay u adeegsan karto inaan khaladkooda la sheegin.
Cabdiqaadir Aaden Carab
Ramaasnews Desk
Hargeisa



