Gaarisa (Ramaas) Feb 4,2012 – Weerar argagixiso oo uu fuliyey nin hubaysan ku qaaday goob lagu caweeyo oo ku taala Magaaladda Gaarisa ayaa waxa ku dhintay laba qof, waxaana ku dhaawacmay laba kale.
Ninkan hubaysan ayaa la sheegay inuu rasaas ooda kaga qaaday dad badan oo goobtaasi ku cawaynayey, waxaana rasaastaasi galaafatay nolosha laba qof oo rayid ah iyo laba kale oo dhaawac halis ahi gaadhay.
Guddoomiyaha gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya Mr James Ole Sereni ayaa warbaahinta u sheegay in rasaasta ninkaasi dadka ku furay ay dishay laba qof, isla-markaana laba kale dhaawacday “Rasaas uu nin hubeysan ku furay Gaarisa ayaa sababtay dhimashada laba qof oo shacab iyo dhaawaca laba kale”.
Ninkan weerarkan geystay ayaan ilaa hadda la garanayn dhalashadiisa, balse waxa loo malaynayaa inuu yahay shakhsi taageersan kooxda Al-shabaab ee dagaalada kula jirta ciidamada dalka Kenya, inkasta oo aanay kooxda Al-shabaab.
Dhanka kale, booliiska Kenya ayaa sheegay inay xidheen sarkaal hore oo booliiska ka tirsanaa, kaasoo looga shakisan yahay inuu xidhiidh la leeyahay Al-shabaab, tababaro ku siiyay gudaha dalkaas carruur yaryar.
Ramaasnews Desk
Hargeisa



