Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Kooxda Al-Shabaab Oo Weerar Xoog Leh Ku Qaaday Ciidamada Dalka Kenya Ee Dagaalamaya Koonfurta Soomaaliya.

 Qooqaani(Ramaas) Feb . 5, 2012-Dagaalka ayaa yimid kadib markii cutubyo ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay  deegaanka Qooqaani  ku lahaayeen ciidamada dawladda  Soomaaliya  iyo kuwa Kenya, waxaana la sheegay in labada dhinac uu halkaasi ku dhexmaray dagaal aad u culus.

Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayaan ilaa imika la hubin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase yeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen afar askari oo dhinacyadii dagaalamay ah halka tiro intaasi ka badanna la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

 

Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin ka tirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Dagaalka xalay ka dhacay Magaalada Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose, ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ciidamada dawladda Sheekh Shariif  oo kaashanaya kuwa Kenya ay la wareegeen deegaano dhawr ah oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose kadib markii ay isaga baxeen xoogaga Alshabaab.

Saraakiil k atirsan  kooxda  Alshabaab ee Jubooyinka ,ayaa sheegay in ay dajiyeen qorshe cusub oo dagaal, kaasoo ay sheegeen in ay ku naafeeyn doonaan ciidamada dowladda  iyo kuwa Kenya ee ku sugan inta badan deegaanada galbeed ee gobolka Jubada Hoose.

  

 

Ramaasnews desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus