Hargeysa (Ramaas) Dec 8,2012 – Komiishanka doorashooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay dib u eegayaan natiijadii ka soo baxday degmooyinka Caasimadda Hargeysa oo tabashooyin badan ka soo noqdeen.
Guddoomiyaha Komiishanka Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari) oo goor dhawayd warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hakiyeen natiijaddii Caasimadda ka soo baxday isla-markaana xisbiyadda iyo ururada iska arkeen in dib loo eego si tabashooyinka loo daboolo.
CIise Yuusuf Xamari oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Komiishanka doorashooyinka qaranka ee xarunta dhexe waxa uu go’aan ku gaadhay maanta in la eego oo laga debba taggo, wixii laga qaban karana laga qabto hakadna wuu saaray natiijadda ay ku dhawaaqeen ee degmadda, goobihii laga cabanayeyna dib bakhaarkii loo furo oo la iskula eego, si tabashadaasi loo debaalo si aan dhiig dambe u sii daadan”
Guddoomiyaha Komiishanku waxa kale oo uu sheegay “Xisbiyadda waanu iska aragnay way ku qanceen waana Hargeysa meesha lagu noqonayaa, umana malaynayo in wax badan iska bedali doonaan sida ay hadda ururadu iyo xisbiyadu wax u kala heleen sida aan xogta ku hayno, markaa waxaanu qancinaynaa ururadda iyo axsaabta si tabashada loo wadda daboolo”ayuu yidhi
Cabdiqaadir Aaden Carab
Hargeisa






