Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Khasaare Ballaadhan Oo Ka Dhashay Dagaalka Ka Socda Deegaanka Sooljoogta Ee Buhoodle.

Sooljoogta(Ramaas)  Jan, 26, wararka  ka soo baxaya jiida Sooljoogta oo ka tirsan degmada Buhoodle, ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhacay dhulkaas oo uu ka dhashay khasaare culus oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo soo gaadhay    kooxda hubaysan ee reer Buhoodle iyo ciidanka Qaranka  .

 Maydadka dhawr askari oo ka tirsan labada  geesood la sheegay in lagu arkay goobihii uu daaglku ka qarxay,iyada oo madaxda kooxda deegaanka Buhoodle ay dhankooda sheegayaan in laga dilay askar, balse aanay sheegin tiradooda rasmiga,iyaga oo sida oo kale sheegtay in ay dileen askar ka tirsan ciidanka   Milatariga Somaliland.

 

 Xukuumada Somaliland ayaan ka hadal   dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashayba, iyada oo rasaas xoogan laga maqlayo deegaankaas  Balliga- Shangoole oo ilaa 5 KM u jira Sooljoogta oo ah xudunta colaadii galabta bilaabantay.

 Dagaalka maanta ka dhacay ayaa  ku soo beegmay  xilli ay Garaadadii ka qaybgalay shirkii lagu aas-aasay maamulka Khaatumo State oo ka dhacay degmada Taleex,kuwaasoo booqasho ku joogo Magaalada Buhoodle oo ay ka wadaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.

 

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa .

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus