Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa.

London (Ramaas) Feb 22,2012 – Caasimada dalka Ingiriiska ee London ayaa waxa dibad-bax balaadhan ka wada  jaaliyadaha reer Somaliland  ee ku dhaqan Magaalooyinka kala duwan ee dalkaas.

Dibad-baxan ay dhigayaan muwaadiniiinta reer Somaliland  ayaa waxa uu hadda ka socdaa  badhtamaha  London iyo  waliba agagaarka xafiiska raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr David Cameron .

 

Dibad-baxayaasha ayaa sita  calanka saddexda midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland  iyo waliba boodhadh ay ku qoran yihiin  weedho  ka turjumaya ujeedada dibad-baxa  taasi oo ah in beesha caalamka iyo dawlada Ingiriiskuba ay ictiraaf buuxda  siiyaan Jamhuuriyada curdinka ah  ee Somaliland  oo mudadii  labaatanka sano ahayd ee ay jirtay qabsatay waxyaabo badan oo indhaha caalamka soo jiitay.

Muwaadiniinta reer Somaliland  ayaa ku qaylinaya  weedho ay ka mid yihiin   “Somaliland ictiraaf ayaanu idiinka baahan nahay”

Dibad-baxan oo  sidoo kale ay ka qayb-qaadanayaan jaaliyadaha reer Somaliland  ee wadamada kale ee Yurub  ayaa waxa hadda si toos shacabka gudaha Somaliland ugala socdaan  idaacada Radio Hargeysa  oo  si toos ah u baahinaysa dibada-baxan.

Muwaadiniinta reer Somaliland ee dibad-baxa samaynaya  oo sida muuqata ku beegmay maalin ka hor shirka  dawlada Ingiriiska ugu qabanayso  kooxaha Somalida   iyo dawlada Somaliland, ayaa la filayaa inuu wax wayn ka badalo aragtida beesha caalamku ka aaminsantahay qadiyada madaxbanaanida Somaliland, maadaama  oo shirka beri ay ka qayb-galayaan  wufuud caalami ah  oo kor u dhaafaya afartameeye  .

Dhanka kale, shacabka gudaha  ayaa si wayn ula socda  dibad-baxa London iyadda oo dadka qaarkood  qurbojoogta ku bogaadiyeen talaabada ay qaadeen.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus