Jigjiga (Ramaas) Jan, 22, 2012 – Hogaamiyaha maamulka dibed wareega ah ee Awdal State Rashiid Aw Nuur oo toddobaayadii dambe ku sugnaa Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa maalmaha fooda inagu soo haya qorshaynaya in uu ka soo dego garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida ee ETHIOPIA, waxaana uu doonayaa in uu dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka bilaabo gudaha Somaliland gaar ahaan deegaamada gobolka Awdal oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Wararka laga helayo masuuliyiinta kooxda Awdal State, ayaa sheegaya in hogaamiyahoodu uu madaxda dalka ETHIOPIA, u bandhigay safarka uu ku tagayo dalkooda, isaga oo ballan qaaday in kooxdiisu aanay halis ku noqon doonin masaaliixda ETHIOPIA ee gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay si dhaw ula shaqayn doonaan.
Laakiin lama sheegin jawaabta ETHIOPIA ka bixisay codsi ka yimid kooxda gooni u goosatada ah, inkastoo hogaaankooda loo ogalaaday in uu ka soo dego Magaalada Jigjiga, isla markaana uu u gudbi karo meesha uu beegsanayo, hase yeeshe waxa jira cilaaqaad hoose oo labada dhinac dhexmaray bilihii ugu dambeeyay.
Xidhiidhka ETHIOPIA iyo Awdal State,ayaa waxa gacan ka gasytay ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha wadanka Soomaaliya Augustine Mahiga, oo sannadkii hore madaxda kooxdaas kula kulmay dalka CANADA, waxaana uu wakhtigaas u muujiyay taageero siyaasadeed, isaga oo is hoose ugu sheegay in uu fariintooda gaadhsiin doono hogaamiyayaasha dalalka Geeska Afrika ee saamaynta ku leh arrimaha Soomaalida. Iyada oo wixii xilligaas ka dambeeyayna saraakiisha Awdal State ay shirar la yeesheen safiirada ETHIOPIA u fadhiya wadamada Maraykanka iyo CANADA.
ETHIOPIA , ayaa bishan January gaadiid milatari ku galbisay Dr Cali Khaliif Galaydh oo ah maskaxda ka dambaysay aas-aaska maamulka Khaatumo State of Somalia oo lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool, kaasoo ka soo degay dalkeeda , isla markaana gacan saar la leh masuuliyiinta sare.
Xukuumada Ra iisal wasaare Meles Zenawi, ayaa markii ay talada la wareegtay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo dabayaaqadii sannadkii 2010-kii , shakigelisay mawqifka Somaliland ka taagan tahay la dagaalanka argagixisada oo udub dhexaad u ahaa cilaaqaadkii ay la lahaayeen maamulkii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, iyada oo isla sannadkaas ay xeebaha degaamada gobolka Selal ka soo dageen dagaaliyano ka tirsan jabhada ONLF ,kuwaasoo ka gudbay xuduuda labada dal, laakiin xidhiidhka labada dawladood ayaa diciifay markii ay dhawaan wasiiro ka tirsan xukuumad Somaliland booqasho ku tageen wadanka Masar oo dagaal siyaasadeed oo la xidhiidha muranka biyaha Webiga Nile ka dhexeeyo ETHIOPIA.
Dad badan oo dhuun daloola siyaasada Somaliland ayaa aaminsan in ETHIOPIA ay ka cabsi ka qabto in Masar ay saamayn dhan kasta leh ku yeelato xulafadeedii hore, sidaas darteedna , waxa ay ku dadaalaysaa sidii ay abuuri lahayd kooxo u daacada oo ka shaqeeya Somaliland.
Ramaasnews Desk
Hargeysa.


