Maputo (Ramaas) Feb 5, 2012-Qaar kamid ah masuuliyiinta qaaradda Afrika ayaa shaki weyn ka qaba in dalalka reer Yurub ay doonayaan inay qaaradda Afrika dib ugu celiyaan gumeysi si ay uga faa'iideystaan qeyraadkeeda.
Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibeda ee dalka Mozambique Oldemiro Baloi, waxaa socda faragalin xooggan oo ay dalalka reer Yurub ku hayaan Qaaradda Cagaaran ee Afrika. Oldemiro ayaa sheegay in arrintan ay si weyn uga muuqatay kulanki ugu danbeeyey ee Midowga Afrika ku yeeshay Magaalada Addis Ababa, kaasoo sida uu tilmaamay ay hogaanka ay u hayeen safiirro u dhashay dalalka Yurub, kuwaasoo uu kamid ahaa safiirka Faransiiska u fadhiya ETHIOPIA Jean-Christophe Belliard.
Oldemiro ayaa sheegay in Jean-Christophe uu si cad u maamulayey doorashadi guddoomenimada guddida Midowga Afrika, waxaana tibaaxay in Jean-Christophe uu amray in xilka guddoomiye loo daayo Dr. Jean Ping, guddoomiyaha haatan ee Midowga Afrika. Masuuliyiin badan ayaa qaba in ay dalalka reer Yururb haatan tartan xooggan ugu jiraan faragalinta arrimaha siyaaasada iyo dhaqaalaha ee dalalka Afrika.
Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe, ayaa dhankiisa sheegay inay caddahay in Yurub ay dooneyso inay dib u gumeysato Afrika. "Waxaan la dagaalannay dal-ballaadhsi iyo gumeysi oo aan ka erinay Afrika. Aabayaasheen ma haysan waxa ay isaga caabiyaan [hub], laakiin way ka hortageen, inaguse halkan baanu iska aamusannahay," ayuu yidhi Mugabe.
Shakigan xooggan ee ku saabsan in ay dalalka Yurub doonayaan in ay dib u gumeystaan Afrika ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyada oo ay dhawaan soo baxeen hadallo sheegaya in ay dawladda wadanka Talyaanigu ka fikireyso dajinta qorshe ay dib ugu gumeysaneyso dalka Soomaaliya oo ragaadiyeen rabshado socday in ka badan 20 sanno. Soomaaliya ayaa haatan waxa ku tartamaya dalalka Turkey, Talyaani iyo Ingriiska, iyada oo uu ka dul wareegayo dalka Faransiiska.
Dalalka Ingriiska iyo Faransiiska ayaa dhawaannahan sare u qaaday saameynta ay ku leeyihiin qaaradda Afrika.
Dalka Ingriiska ayaa martigalinaya shir caalami ah oo ku saabsan dhibaatada Soomaaliya bishan February 23-keeda , kaasoo lagu qaban doono Magaalada London.
Faransiiska ayaa wado qorshayaal uu hashiisyo kula saxeexanayo dalalkii uu hore u gumeystay, kuwaasoo uu doonayo in ay markale qeyb ka noqdaan qoyska reer Faransiis ee weyn.
Faransiiska ayaa si weyn faraha ugula jira arrimaha dalalka Côte d'Ivoire iyo Madagascar,iyada oo dalka Madagascar ay saddexdi sanno ee tagay uu ku jiray fowdo, kadib marki xukumadii Madaxweyne Mark Ravalomanana la afgambiyey.
Masuuliyiinta Koonfur Afrika, ayaa dhawaan sheegay in ay si toos ah isu hortaagi doonaan faragalinta Faransiiska ee qaaradda Afrika.
Dalalka ku bahoobay urur gobolleedka SADC ayaa qaba in Faransiisku uu carqalad ku yahay – qariirada nabada ee wadanka Madagascar.
Qaar kamid ah masuuliyiinta Yurub ayaa meesha ka saaray in ay jiraan qorshayaal cad oo ay dalalkooda ku doonayaan in ay dib ugu gumeystaan Afrika.
"Waxaan idiin cadaynayaa in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo aan marnaba gumaysi dib ugu laaban doonin...," sidaas waxa yidhi maalintii Jimcihii Ra iisal wasaaraha Soomaliya Cabdiwali Cali Gaas oo booqasho ku jooga wadanka Talyaaniga.
Ramaasnews desk
Hargeisa



