Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Guddoomiyaha Xaqsoor Oo Gaashaanka U Daruuray Go’aanka Dib Loogu Tirinayo Codadka Laga Dhiibtay Hargeysa, Sheegayna In Khaladaadka Dhacay Aanay Sixid U Noqonayn

Hargeysa (Ramaas) Dec 9,2012 – Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, ayaa ska biyo diiday go’aanka guddida dorashadda ee ah in dib loogu celiyo tirinta codadkii laga dhiibtay Hargeysa.

Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sheegay in dib u tirinta codadka laga dhiibtay Hargeysa aanay sixitaan u noqonayn khaladaad badan oo uu sheegay inuu ka dhacay deegaano badan oo Soamliland ah, waxaanu sheegay in go’aankaasi yahay mid sax ah, balse aanu ku filayn.

Xasan Ciise Jaamac ooo ka hadlaya waxa ay ku diideen go’aanka Komiishanka ayaa yidhi  “Cabashooyinka ku saabsan doorashaddu may ahayn kuwa Hargeysa ku kooban oo kaliya, anaguna waxaanu hore u dalbanay imikana aanu dalbanaynaa in la saxo wax alaale iyo wixii khalad iyo gef ka soo baxay doorashadda, khaladaad badan baa dhacay oo fiidiyow baa la hayaa sanaaduuqdii oo gaadhi dushii saaran oo lagu shubanayo, iyagga oo geed hoostii lala tagay oo lagu shubanayo, waxa la hayaa Markhaatiyadii oo dhan, waxa la hayaa waraaqihii lagu coddeeyay oo sanaaduuqdii laga soo qufay”

Guddoomiyaha Xaqsoor, waxa kale oo uu tilmaamay “Tallaabada komiishanku naguma filna oo shacabka kuma filna”ayuu yidhi.

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa

Source: BBC Somali

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Voting Poll

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Waxa Ku Haboon Inuu Majaraha U Qabto

Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), - 23.3%
Guddoomaha wakhtigan Muuse Biixi Cabdi - 30.7%
Wasiir C/Casiis Samaale - 20.7%
Muj: Maxamed Kaahin Axmed - 6.3%
Masuuliyiin Ku Cusub Saaxada - 19.1%

Total votes: 971
The voting for this poll has ended on: 25 Mar 2013 - 16:35

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus