Hargeysa (Ramaas) Dec 9,2012 – Guddoomiyaha urur siyaasadeedka DALSAN Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare), ayaa ka hadlay kulan dhex maray Komiishanka iyo Masuuliyiinta ururadda.
Ismaaciil Yare, waxa uu sheegay inay Komiishanka ka wadda hadleen sidii dib loogu sixi lahaa khaladaadkii ka dhacay doorashadda deegaanada Somaliland, waxaanu sheegay in ururada qaar qabbaan in dalka oo dhan dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay, balse Komiishanku Hargeysa ku adkaysanayaan.
Guddoomiyaha Dalsan oo warbaahinta la hadlay ka dib kulankaasi, ayaa sheegay in laga yaabo in Musharixiin hore u soo baxay ay waxba waayaan, kuwo hadhayna ay soo baxaan.
Ismaaciil Yare oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Kulanku waxa uu ahaa sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay iyo in dib loo tiriyo codadkii Hargeysa oo sanduuq-sanduuq dib loogu tiriyo si ay ugu qancaan cida cabanaysaa”
Ismaaciil yare waxa uu tilmaamay in dib u tirintaasi keeni karto in Musharixiin soo baxay ay hadda hadhaan marka dib loo eego codadkii la tiriyey “Waxa dhici karta in musharaxiintii hore ee ay ku dhawaaqeen inay soo baxaan ay qaar waxba waayaan, qaar kalena soo baxaan”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markaa Go’aanku waxa uu noqday in Sanduuqyadii Hargeysa dib loo furo, inkasta oo ururrada qaarkood ay qabbaan in dalka oo dhan dib loo tiriyo, laakiin Komishanku wuxuu ku adkaysanayaa Hargeysa in loo tiriyo”
Ramaasnews Desk
Hargeisa






