Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Xayiraadii Ka Qaaday Shirkadihii Al-Barakaat Iyo Aas-aasihii Oo Wali Xayiran.

New-york (Ramaas) Feb 22,2012 – Golaha amaanka qaramada midoobay ayaa xayiraadii ka qaaday shirkadihii Al-barakaat oo 11 sanadood la xayiray ka dib markii looga shakiyey inay xidhiidh la;lahaayeen ururka Al-qaacida.

Guddiga golaha ammaanka u qaabilsan Al-Qaacida ayaa 17-kii bishan February soo saaray go’aanka ah in xayirada laga qaado isla-markaana liiska xanibaadaha ee Al-qaacida shakhsiyaad iyo shirkado ay lahaayeen.

 

War-bixin uu soo saaray guddida golaha amaanka qaramada midoobay u qaabilsan Al-qaacida iyo la socodka lacaha iyo hubka, ayaa lagu sheegay in liiska xanibaadaha laga saaray 17 shirkadood oo la isku odhan jiray Al-barakaat  Group of Companies, oo uu aas-aasay Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale oo isagu aas-aasay.

War-bixinta guddida golaha amaanka u qaabilsan Al-qaacida ayaa sheegtay in Axmed Nuur Cali Jimcaale shakhsi ahaan ku sii jiri doono liiska xanibaadaha Soomaliya iyo Eratariya u gaarka ah “Qaraarka oo lambarkiisu ahaa SC/10549 ayaa caddeynaya in xannibaadihii hantida, safarada iyo hubka kuna caddaa qaraarka lambarkiisu ahaa 1989 (2011) ee lagu soo rogay magacyada shaqsiga iyo shirkadaha hoos ku qorani laga qaaday” ayaa lagu yidhi war-bixinta golahaasi soo saaray.

Dhan kale, war-saxaafadeed ka soo baxay shirkadaha Al-barakaat ayaa lagu sheegay inay nasiib daro tahay in 11 shirkadood oo Soomaliya aad looga yaqaanay xayiraadii aga qaaday iyadda oo wali uu xayiran yahay ninkii aas-aasay “Kow iyo toban sanadood oo shirkadahaas oo si weyn looga yaqaannay Soomaaliya ay xanibnaayeen isla-markaana hadda ay timid in xanibaadda laga qaado ayaa waxaa wali nasiib-darro ah in aasaasihii shirkaddaas uu wali kusii jiro liis kale oo heer gobol ah,"ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Liiska Shakhsiyaadka iyo shirkadaha Xayiraada laga qaaday

1- Axmed Cali Jimcaale,
2- Barakaat Bank of Somalia,
3- Albaraka Exchange L.L.C,
4- Barkaat Telecommunications Company
5- Barako Trading Company LLC
6- Al-Barakaat
7- Al-Barakaat Bank
8- Al-Barkaat Bank of Somalia (BSS)
9- Al-Barkaat Finance Group
10-Al-Barakaat Financial Holding Co.
11-Al-Barkaat Global Telecommunications
12-Al-Barakaat Group of Companies Somalia Limited
13-Al-Barakaat International
14-Al-Barkaat Investments
15-Barkaat Group of Companies
16-Barakaat Red-sea of Telecommunications
17-Barakaat International Companies (BICO)
18-Barakaat Telecommunications Company Limited

 

Ramaasnews desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus