London (Ramaas) Feb 22,2012 – Dibad-bax ay manta u balan-sanaayeen kooxaha Somaliland diidka ah ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa fashilay isla-markaana aan qabsoomin ka dib markii uu halkaasi ka dhacay dibax-bax balaadhan oo shacabka Somaliland ka hor-dhigeen xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska ee 10 down street.
Mudaharaadkan oo kooxahaasi doonayeen inay kaga soo horjeedsadaan dibad-baxa jaaliyadaha reer Somaliland beesha caalamka kaga dalbanayaan ictiraaf caalami ah ayaa kooxahani doonayeen inay iyaguna sameeyaan mid midnimada Soomaliya lagu doonayo.
Dibad-baxan Mucaaradka Somaliland doonayeen inay ka dhigaan London ee fashilmay oo labadii maalmood ee u dambeeyay si habqan ah diyaar-garowgiisu uga socday London ayaa waxa ka gaabiyey jaaliyadaha Koonfurta Soomaliya ee kooxaha Mucaaradka Somaliland ku ahi doonayeen inay sameeyaan.
Kooxahan oo ay ku jiraan kooxda Khaatumo ee dhawaan maamul ku sheega kaga dhawaaqay degmada Taleex ayaa bogaga Internet-ka ee taageera kooxdaasi ayaa baahiyey Ogeysiisyo ay la xidhiidha in jaaliyadaha reer Koonfureedku isku soo baxaan si ay mudaharaad lid ku ah ka ay dhigeen shacabka Somaliland ee Ingiriisku iyaguna dhigaan, ayaa dhicisoomay gabi ahaantiiba, inkasta oo shakhsiyaad aan 10 qof ka badnayn ay soo baxeen, balse markii ay arkeen kumanaan qof oo sita calanka Somaliland ay dib ugu noqdeen guryahooda.
Talaabadan ay doonayeen inay ku carqaladeeyaan dibad-baxa shacabka reer Somaliland ayaa muujinaya sida ay xaasidka ugu yihiin horumarka Somaliland gaadhay iyo waliba dhaqdhaqaaqyada ay ku doonayaan Ictiraafka caalamiga ah, balse nasiib wanaag waxa ka seexday dadkii la soo abaabulay.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
a



