Asmara (Ramaas) Feb.21, 2012 – Dawlada Eratariya oo hore loogu eedayn jiray inay taageerto dagaalyahanada Al-shabaab ee dagaalka ka wada dalka Soomaliya ayaa qaadacday shirka dawlada Ingiriisku London ugu qabanayso kooxaha Soomaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibada dalka Eratariya ayaa lagu sheegay in xalka Soomaliya aanu jirin faro-galin dibadeed oo lagu sameeyo, iyadda oo sidoo kalena tilmaantay in ciidamada dalalka Soomaliya la deriska ahi ay xaalada Soomaliya uga sii darayaan.
Erateriya waxay sheegtay in xalka Soomaliya loo daayo dadka Soomaliyeed, iyadda oo sheegtay in shirka London ka yimid yahay faro-galinta lagu hayo Somaliya, iyadda oo tilmaantay in faro-galinta laga daayo oo la caawiyo “Dadka Soomaaliyeed waa in fursad loo siiyo inay xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, si ay u soo ceshadaan nabadda ayna dalkooda u horumariyaan” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka, kaasi oo intaasi ku daray “Jidka ay Soomaaliya hore ugu soconaysaa waa mid cad oo muuqda, waa in laga joojiyo faragelinta”.
War-saxaafadeedka dawlada Eratariya waxa uu intaa ku daray “Faragelinta ciidan ee Soomaaliya ay ku hayaan dalalka dariska ah dano kasta haka lahaadaane xaaladda ayay ka sii darayaan, mana jiro xal ay keenayaan”
Shirkan dawlada Erateriya ka soo hor-jeedsatay ayaa Magaladda London ka furmaya khamiista todobaadkan, waxaana la filayaa inay ka soo baxaan qodobo xal u noqdo dhibaatada Soomaliya ka jirta.
Ramaasnews Desk
Hargeisa.




