Buuhoodle (Ramaas) Jan 26,2012 – Dagaalkii Galinkii dambe ee maanta ka qarxay deegaanka Sool-joogta oo aan wax badan ka durugsanayn Magaaladda Buuhoodle, ayaa goor dhawayd istaagay.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidamada qaranka Somaliland iyo Maleeshiyaad reer Buuhoodle ah ayaa waxa ka dhashay khasaare laxaadle oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jira, waxaana sidoo kale la sheegayaa in labada dhinac kala qabsadeen maxaabiis.
Wararka jiida dagaalku ka dhacay laga helayo ayaa sheegaya in ciidamada qaranka dagaalkaasi ay kaga dhinteen laba askari, isla-markaana tiro intaa ka badani ay ka dhaawacantay, iyadda oo ay jiraan askar laga qabsaday ciidanka.
Sidoo kale, khasaare ayaa dagaalkaasi ka soo gaadhay Maleeshiyaadka reer Buuhoodle, waxaana lagu waramayaa inay ka dhinteen dad tobaneeyo ah, kana dhaawacmeen tiro kale, waxaana Maleeshiyaada laga qabtay lix qof. Dagaalka oo saacad ka hor si rasmi ah u dhammaaday ayaa sidoo kale lagu waramayaa in ciidamada qaranku jiidii dagaalku ka dhacay ay ku sugan yihiin, halka la sheegay in Maleeshiyaadkii dagaalka la galay ay ku sugan yihiin duleedka meesha loo yaqaano Sool-joogta oo markii hore dagaalka ay ka soo qaadeen. Dhaawacyada ciidamada qaranka ayaa la filayaa in la keeno Magaaladda Burco, si looga daaweeyo dhaawacyada dagaalkaasi ku gaadhay.
Dhinaca kale, Magaaladda Buuhoodle ayaa la sheegay inay ku soo qul-qulayaan Garaado reer Sool ah oo ka kala imanaya deegaanada gobolkaasi, iyadda oo la xaqiijiyey in sidoo kale uu halkaasi soo gaadhay Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah kooxdii waday shirka Taleex.
Lama oga ujeedada ka dambaysa ee Garaadada iyo siyaasiyiinta reer Sool u yimaadeen Buuhoodle, balse warar aan la hubin ayaa sheegaya inay hawlo siyaasadeed halkaasi ka wadaan
Ramaasews Desk
Hargeisa


