Buuhoodle (Ramaas) Jan 26,2012 – jiida hore ee Buuhoodle oo ay fadhiisimo badan ku leeyihiin ciidamada qaranka Somaliland ayaa waxa ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Qaranka iyo Maleeshiyaad taabacsan Maamulka laga iclaamiyey Taleex.
Dagaalkan oo aan ilaa hadda la garanayn waxa dhaliyay ayaa hadda waxa uu goor-dhawayd ka bilowday jiida Buuhoodle, sida ay sheegayaan wararka halkaasi laga helayo.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo la xaqiijiyey in ciidamada qaranku u adeegsanayaan hubka noocyadiisa kale duwan, si ay Maleeshiyaadka dagaalka kula jira uga takhalusaan, kuwaas oo intii ka dambaysay dagaalkii ciidamada qaranku Buuhoodle ku qabsadeenba isku urursanayey deegaano ku dhow.
La soco Warka wixii ka soo kordha.
Ramaasnews Desk
Hargeisa




