Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Ciidamadda Booliska Oo Masjid Jaamaca Laascaanood Saaka Ka Qabqabtay Dad Lagu Tuhmayo Dil Xalay Ka Dhacay Halkaasi

 

Laascaanood (Ramaas) Dec 9,2012 – Ciidamadda Maanka Magaaladda Laascaanood ee Xarunta ee Gobolka Sool ee Somaliland ayaa hawl-gal ay waaberigii hore ee saaka ka fuliyeen halkaasi ku qabqabtay dad door ah.

Ciidamadda booliska ayaa hawl-galka ay sameeyeen Masjid Jaamaca Magaaladda Laascaanood kaga soo qabqabtay dad laga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dil loo gaystay qof rayid ah oo xalay Laascaanood lagu dilay.

Wararka Ramaas ka helayso Laascaanood ayaa sheegay Ciidamadda amaanku baadhitaan ku sameeyeen Masjid Jaamaca ka dibna ay ka soo qabqabteen dhowr ruux oo aan ilaa hadda la aqoonsan isla-markaana aan la ogeyn waxa ay gaysteen, inkasta oo la sheegay in loo tuhmayo dilkii qofka rayidka ah loogu gaystay Laascaanood.

Wariyayaal ku sugan Laascaanood oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in hawlkalkani ahaa mid Magaaladda laga dareemay booliska oo la hadlayna u sheegay in looga dan leeyahay sugida amaanka, maadaama oo halkaasi lagu tuhmayo inay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan kooxaha Xagjirka ah, kuwaasi oo lagu xidhiidhnayo dilalka halkaasi ka dhaca oo uu ugu dambeeyo kii xalay.

Badhasaabka Gobolka Sool oo aanu isku daynay inaanu arintan wax ka waydiino ayayna noo suurto-galin.

 

Ramaasnews Desk                         

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Voting Poll

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Waxa Ku Haboon Inuu Majaraha U Qabto

Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), - 23.3%
Guddoomaha wakhtigan Muuse Biixi Cabdi - 30.7%
Wasiir C/Casiis Samaale - 20.7%
Muj: Maxamed Kaahin Axmed - 6.3%
Masuuliyiin Ku Cusub Saaxada - 19.1%

Total votes: 971
The voting for this poll has ended on: 25 Mar 2013 - 16:35

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus