Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Ciidamada Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Soomaliya Iyo Kuwo Itoobiya Oo Al-shabaab Kala Wareegay Magaalooyinka Baydhabo Iyo Bardaale Oo Ka Tirsan Gobolka Bay.

Baydhabo (Ramaas) Feb 22,2012 –  Ciidamadda Itoobiya iyo kuwo Milatariga ah ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ayaa maanta la wareegay gabi ahaanba gacan ku haynta Magaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaliya oo is-garabsanaya ayaa la sheegay inay saaka Magaaladda Galeen iyagga oo aan wax iscaabin ah kala kulmin kooxda Al-shabaab oo hore halkaasi u maamulaysay.

 

Dadka deegaanka Baydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay subaxdii hore ee saaka ay ka baxeen Magaaladda Baydhaba ka dib markii ay ka war-heleen in ciidamo isgarabsanaya oo awood ku soo jeedaan “Degmada Baydhabo waxa soo galay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya, magaaladuna way xidh-xidhan tahay dadkuna waxay ku jiraan guryahooda.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadka deegaanka Baydhaba.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah saraakiisha hoggaaminaya ciidamada DKMG ah ee la socda kuwa Itoobiya ayaa sheegay inay la wareegeen Baydhabo iyadoo aanay wax dagaallo ah dhicin, isagoo xusay in ciidamadu ay fadhiisimo ka sameysteen gudaha degmada Baydhaba.

Dhanka kale, ciidamada dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya iyo kuwo Itoobiya oo isgarabsanaya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Magaaladda Bardaale oo 50-km u jirta degmada Baydhabo, iyagga oo markaa ka dib la wareegay Baydhaba.

Kooxda Al-shabaab ayaa Magaaladda Baydhaba la wareegtay markii uu Soomaliya Madaxwaynaha ka ahaa Cabdilaahi Yuusuf Axmed, iyagga oo ilaa wakhtigaasi gacanta ku hayey.

 

Ramaasnews desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus