Boorama (Ramaa) Feb.05, 2012 - Ciidamada amaanka ee Magaalada Boorama, ayaa raadinayo kooxo dhalinyaro ah oo maalintii shalay cagta mariyay merado ganacsi, kadib markii gubteen labada kaalmooda shidaalka lagu iibiyo.
Taliyaha ciidanka booliska gobolka Awdal Cabdi Barkhad , oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay baadi goobayaan dhalinyaradii dhibaatada u gaysatay meheradaha ganacsiga, iyaga oo cudur daar rabshadaha ay samaynayeen uga dhigay in ay ka cabanayeen dawlada hoose, oo wax ka qaban wayday kaalmaha gubtay, waxaana uu sheegay in ay xabsiga dhigi doonaan dadkaas oo khal-khalgeliyay amaanka Magaalada.
Waxa uu sheegay in qaar ka mida dhalinyaradu boobeen xarumaha ganacsiga, halka qaar kalena ay dhagaxaan ku tuureen meheradaha,kuwaasoo burburiyay hanti badan.
“Boolisku waxa uu wadaa baadhitaano , waanu raadinayaa kooxihii dhalinyarada ahaa ee meheradaha shiiday, waxa jajabiyeen meherado dad leeyihiin, qaar kalena waxbay u boobeenbaa la yidhi, waa wax magarato” ayuu yidhi taliyaha booliska gobolka Awdal.
Waxa kale oo uu sheegay in ay baadhitaano ku wadaan waxa sababay dabkii shalay baabiiyay kaalmaha shidaalka, iyaga oo wax ka waydiiyay masuuliyiinya goobahan ganacsi, si xog dheeraad ah looga helo mushkiladii dhacday oo ahayd xaalad halis ah oo ka hortag u baahnayd.
Labada kaalmood ee shidaalka ayaa shufbeelay galabnimadii shalay, ka dib markii uu dab qabsaday, iyada oo aan ilaa hadda la sheegin waxa sababay dabka kacay, laakiin waxa ay xaaladu ka sii dartay markii la waayay dabdemis bakhtiiya holaca kacay oo galaafan gaadhay guryo meherdo ah oo ka agdhawaa kaalamaha.
Ramaasnews Desk
Hargeisa




