Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Budhcad-badeed Soomali Ah Oo Saddex Doonyaha Kaluumaysiga Ah Ka Afduubay Gacanka Cadan Iyo Yemen Oo Sheegtay Inay Waddo Hawl-gallo Ay ku Baadi-goobayso

Sanca (Ramaas) Jan 27,2012 –  Masuuliyiinta dawlada Yemen ayaa sheegay in Budhcad-badeeda Soomalida ee ka qowlaysta biyaha badda Cas ay afduubeen saddex doonyaha Kaluumaysiga ah oo laga lahaa Yemen.

Saddexdan doonyood ayaa la afduubay 24-kii saacadood ee u dambeeyay, waxayna sheegeen in doonyahaasi ay la socdeen shaqaale 38 qof ah oo dhammaantood Yemeniyiin ah, kuwaas oo wakhtiga la afduubay hawlo kaluumaysi badda ugu jiray.

Gacanka Cadan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxa  ku xooggan kooxaha budhcad-badeedda ah ee afduubka u geysta maraakiibta ku safra, waxaana dhowr jeer oo hore ay afduubyo u geysteen doonyo ay wateen kalluumeysato u dhashay dalka Yemen.

Dalka Yemen ayaa waxa ku xidhan in ka badan 30-ruux oo budhcad-badeed Soomaali ah, kuwaasoo lagu qabtay howlgallo ay ciidamada badda dalka Yemen ka sameeyeen xeebaha ku dhow dalkooda.

Ciidamada badda Yemen ayaa waxay sheegeen inay ku gudo-jiraan howlgallo ay ku raadinayaan kooxihii afduubay doonyaha ay wateen kalluumeysatada dalkooda u dhashay.

 

Ramaasnews desk

Hargeisa

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus