Hargeysa (Ramaas) Feb 4,2012 – Beesha Ayuub oo ka mid ah beelaha Somaliland ayaa shir labadii maalmood ee u dambeeyay uga socday degmada Sayla-bari ee gobolka Hawd waxay ka soo saareen baaq dhowr qodob ka kooban, kaasi oo ay ku cabirayaan xaalada dalka ee wakhtigan.
Bayaankan ay soo saareen beesha Ayuub ayaa sidoo kale waxa lagu taageeray in xukuumadda Somaliland ka qayb-gasho shirka London, sidoo kalena waxay baaq nabadeed ugu direen beelaha Dhulbahante oo ay u soo jeediyeen inay nabadgalyo qaataan.Bayaankan ayaa u qornaa sidan “Ka dib kulan daneed oo ay beesha Ayuub ku yeelatay Degamada Sayla wax yaabihii ka soo baxay waxaa ka mid ah:
1. Beeshu waxay ugu baaqaysaa Bulshada Somaliland inay ilaashadaan adkaystaana nabadgalyada ay ku caana maaleen.
2. Beeshu waxay ugu baaqaysaa Beesha Buuhoodle iyo Sool in ay nabadu cidwalba dan u tahay (dagaalkana will baa ku dhintee wiil kuma dhasho, sidaa darteed waa inay nabada qaataan xila iska saaraan ku wada noolaanshaha gayi nabdoon si loo suuragaliyo horumarinta arrimaha bulshada iyo kaabayaasha dhaqaalaha taageeraana gogosha nabadeed ee loo fidiyay aqbalaana baaqyada nabadeed ee Beelaha Somaliland.
3. Gooni isu taaga Somaliland waxaa go’aamiyay Shacbi weynaha Somaliland oo ugu codeeyay in ka badan 97% cidkalana uma fura, go’ aan ka gaadhista Masiirka ummada Somaliland hore u suntatay. sidaa darteed waxaan u soo jeedinaynaa Shacbi weynaha Somaliland:
a) Inay qayb ka noqdaan ka midho dhalinta Suurta galinta Dawlad caalamku aqoonsan yahay
b) Sugida xuduuda Qaranka Somaliland
c) Taageerista dadaalka xukuumadu ugu jirto helista aqoonsi dhamaytiran oo aan caalamka intiisa kale ka helno
d) Joojinta ficilada/Erayada qadafka ku ah Qaranka Jamhuuriyada Somaliland
e) Sidoo kale waxay Beeshu usoo jeedinaysaa Xukuumada JSL inay ka qayb gasho miis kasta oo wadahadal si ay Bulshada caalamka u gaadhsiiso qodabada dastuuriga ah iyo dareenka shacbiga Somaliland ee k u salaysan madaxbanaanida iyo Qaranimadooda .
f) Waxaan ku taageeraynaa xukumada xisbul xaakimka Kulmiye inay ka qaybgasho shirka London iyo shirka kasta oo danaha Somaliland ku jrito si ay uga midho dhaliso barmaamujkii umadu kalsoonida ku siisay kana qayb galaan Astaanta Qarankaq JSL.
Baaqan waxaa si guud usoo saaray Ergadii ka soo qayb gashay Shir balaadhan oo ay Beesha Ayuub ugu ducaynaysay Beesha, Xukumada JSL iyo Shacbiweynaha Somaliland oo ka dhacay Dagmada Sayla 2nd -3rd, February, 2012.”
Ramaasnews Desk
Hargeisa



