Hargeysa (Ramaas) Dec 8,2012 – Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Waaberi Baashe Cabdi oo ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay rasaastii ciidamadda boolisku u addeegsadeen dadkii Mudaharaadka rabashadaha watay ka dhigay Hargeysa, ayaa geeriyooday.
Marxuum Cabdi Waaberi Baashe Cabdi oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo da’diisa ahayd 15 jir, ayaa u geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay rasaasta ciidamadda boolisku ku ridayeen dadwaynihii Mudaharaadka ka dhigayey degmadda Axmed dhagax ee Magaaladda Hargeysa.
Marxuumka oo lagu sameeyay qaliin culus ka dib markii rasaastu ay si xun u waxyeelaysay beerka iyo xiidmaha, ayaa goor dhawayd ku geeriyooday Cisbitaalka Hargeysa.
Alle ha u naxariistee Marxuumka geeriyooday ayaa tiradda dadkii rabshadaha ku dhintay ka dhigaysa saddex qof, waxaana hore rasaasta boolisku ugu dhintay laba qof oo dhalinyaro ahaa, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii ka gadooday natiijadda Komiishanku ka soo saaray doorashaddii degmooyinka Hargeysa.
Alle Ha u Naxariisto Marxuumka, ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxaysa Samir iyo Iimaan haka siiyo..Aamin..Aamin
Ramaasnews Desk
Hargeisa.






