Jawhar (Ramaas), Dec, 09, 2012- Xoogaga Al-shabaab ayaa iskaga baxay degmada Jawhar oo ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe, taasi oo ka mid ahayd magaalooyinka ay ka taliyaan ee muhiimada weyn u lahayd.
Ciidamada dawladda Somaliya iyo kuwa AMISON ayaa la sheegya in markii ay xoogaga Al-shabaab maanta iskaga baxeen la wareegeen gacan ku haynta magaaladaasi.
Magaalada Jawhar ayaa 90 KM u jirta magaalada Muqdisho oo ah caasimada, waxaanu hawl galkan lagaga saaray xoogaga Al-shabaab oo gacanta ku hayey noqonayaa mid ka mid ah hawl galo soo taxnaa bilihii u dambeeyay oo lagu wiiqay awooda xoogaga Al-shabaab.
Ramaasnews Desk






