Misrata(Ramaas) Jan. 26, 2012-Tahriibayaal Soomaali ah oo dooni ay kula degtay biyaha u dhexeeya wadamada Libya iyo Talyaaniga , ayaa laga helay xeebta Magaalada Misrata oo 200-KM u jirta xarunta dalka Libya ee Tripoli, kuwaasoo lagu aasay Arbacadii shalay isla Magaaladaas.
Maydadkan oo tiradoodu ahayd 15 ruux ayaa waxa ay isugu jireen 13 haweeen ah iyo laba rag ah, kuwaasoo dhintay markii doonidu ay kula degtay gudaha badweynta Middeterenian ee u dhexeysa Libya iyo Talyaaniga . Dadka dhintay ayaa waxa dibeda soo dhigtay badda, waxaana saxaafada u xaqiijiyay masiibada dhacday safiirka Soomaalida ee dalka Libya. Cabdiqani Maxamed Wacays, isagoo sheegay in ay sida oo kale ku maqan yihiin badda illaa 35-qof oo kale oo ka mid ahaa tahriibayaashii la socday doonida degtay.
Maydadka dadka Somalida ah ee la helay, ayaa waxaa lagu aasay Magaalada Misrata halkaasoo ah goobtii ay ka bilaabmeen dagaaladii xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore ee Libya Qadaafi. Badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga , ayaa waxa ku dhintay Somali badan oo doonayay in ay isaga talaabaan labada dal, waxaana shilkan uu noqonayaa kii ugu dambeeya ee dhaca.
Ramaasnews Desk
Hargeisa .


