Ramaas News
News
Kusoo Dhawaada Bogga wararka iyo dhacdooyinka Ramaasnews.com. Kala soco boggan wararkii ugu danbeeyay ee dalka, gobol walba iyo degmo walba, wararka Mandaqada Geeska Africa, kuwa Qaarada Africa, iyo wararka Caalamkaba. War Huban iyo Wakhti ku Haboon!
Wednesday, 22 February 2012 16:59
War-bixin Xiiso Badan Oo Uu Maamulaha Guud Ee Shirkadaha Dahabshiil Ka Qoray Suxufiga Magnus Taylor Oo Ah Royal African Society Website Manager & Online Editor
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) Feb 22,2012 – Dahabshiil waxay ka mid tahay shirkadaha u waaweyn caalamka ee dhinaca isu-gudbinta lacagaha, gaar ahaan Geeska Afrika, Waxa aan la kulmay Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale oo Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, isaga oo ku dhex jira isaga-gooshka hawleed ee xafiisyada shirkadda eek u kala London, Hargeysa iyo Dubai (oo xafiiskeeda u weyn ee labaad ah). Ducaale waxa uu tusaale u yahay mudanka waxyaabaha Soomaalida dibedda u dhoofiso ee laga dheehdo kartideeda: ganacsigeeda miiggan ee firfircoon oo laga wada isla mar qudha xafiisyo caalamka ku kala baahsan oo ka abuura dhaqaale muuqda duruufo aan ehel u…
Published in
News
Wednesday, 22 February 2012 16:02
Xubnaha Saxafiyiinta Somaliland Ee Ka Hawl-galla Hay’adaha Warbaahineed Ee Madaxa-banaan Oo Cambaareeyay Xadhiga Labada Wariye, Kuna Baaqay In Deg-dega Loo Soo Daayo
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) Feb 22,2012 – Xubnaha saxaafada Somaliland ee ka hawl-gala hay’adaha warbaahineed ee madaxa-banaan ayaa si kulul u cambaareeyay xadhiga Wariye Maxamed Cabdo Xasan (Boosh) oo ka tirsa shabakada wararka ee Ramaas iyo Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan Wargeyska Ogaal. Xubnahan saxaafada Somaliland oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in xadhiga labadan wariye oo maalintii labaad ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa loo maray sifo khaldan oo ka hor-imanaysa shuruucda dalka u taala. Wariayayaashani waxay tibaaxeen in wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) uu xadhiga labada saxafi u maray jid khiyaamo ah, iyagga…
Published in
News
Wednesday, 22 February 2012 15:38
Lix Ka Mid Ah 30 Arday Oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Jaamacad Ku Taala Dalka Maleesiya oo Maanta Wasaarada Waxbarashada Somaliland Sii Sagootisay
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) Feb 22,2012 – Lix ka mid ah 30 arday deeq waxbarasho ka helay wadanka Maleesiya ayaa maanta u ambo-baxay dalka Maleesiya waxaana garoonka diyaaradaha Hargeysa ku sagootiyey masuuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada Somaliland oo uu ka mid yahay agaasimaha guud. 30-kan arday ee lixda maanta baxay ka midka yihiin ayaa ka mid ahaa arday Jaamacada Al-bukhaari ee dalka Maleesiya ka qaaday Imtixaan tijaabo isla-markaana ku guulaystay inay tagaan dalka Maleesiya, iyadda oo guud ahaan nolosha iyo waxbarashadoodaba ay kafaalo qaaday Jaamacada ay tageen. Agaasimaha waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Khadar Axmed Diiriye oo madaarka kula hadlay warbaahinta…
Published in
News
Wednesday, 22 February 2012 15:21
Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Oo Xayiraadii Ka Qaaday Shirkadihii Al-Barakaat Iyo Aas-aasihii Oo Wali Xayiran
Written by Abdirisak
New-york (Ramaas) Feb 22,2012 – Golaha amaanka qaramada midoobay ayaa xayiraadii ka qaaday shirkadihii Al-barakaat oo 11 sanadood la xayiray ka dib markii looga shakiyey inay xidhiidh la;lahaayeen ururka Al-qaacida. Guddiga golaha ammaanka u qaabilsan Al-Qaacida ayaa 17-kii bishan February soo saaray go’aanka ah in xayirada laga qaado isla-markaana liiska xanibaadaha ee Al-qaacida shakhsiyaad iyo shirkado ay lahaayeen. War-bixin uu soo saaray guddida golaha amaanka qaramada midoobay u qaabilsan Al-qaacida iyo la socodka lacaha iyo hubka, ayaa lagu sheegay in liiska xanibaadaha laga saaray 17 shirkadood oo la isku odhan jiray Al-barakaat Group of Companies, oo uu aas-aasay Sheekh Axmed…
Published in
News
Wednesday, 22 February 2012 14:50
Ciidamada Dawlada Ku Meel-gaadhka Ah Ee Soomaliya Iyo Kuwo Itoobiya Oo Al-shabaab Kala Wareegay Magaalooyinka Baydhabo Iyo Bardaale Oo Ka Tirsan Gobolka Bay
Written by Abdirisak
Baydhabo (Ramaas) Feb 22,2012 – Ciidamadda Itoobiya iyo kuwo Milatariga ah ee dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya ayaa maanta la wareegay gabi ahaanba gacan ku haynta Magaladda Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay. Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Soomaliya oo is-garabsanaya ayaa la sheegay inay saaka Magaaladda Galeen iyagga oo aan wax iscaabin ah kala kulmin kooxda Al-shabaab oo hore halkaasi u maamulaysay. Dadka deegaanka Baydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay subaxdii hore ee saaka ay ka baxeen Magaaladda Baydhaba ka dib markii ay ka war-heleen in ciidamo isgarabsanaya oo awood ku soo jeedaan “Degmada Baydhabo waxa soo…
Published in
News
Wednesday, 22 February 2012 14:27
Dibad-bax Lid Ku Ah Dibad-baxa Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Ingiriisku Maanta Ka Dhigeen London Oo Ka Dhicisoobay Mucaaradka Qurbo-meerka Ah
Written by Abdirisak
London (Ramaas) Feb 22,2012 – Dibad-bax ay manta u balan-sanaayeen kooxaha Somaliland diidka ah ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa fashilay isla-markaana aan qabsoomin ka dib markii uu halkaasi ka dhacay dibax-bax balaadhan oo shacabka Somaliland ka hor-dhigeen xafiiska raysal-wasaaraha Ingiriiska ee 10 down street. Mudaharaadkan oo kooxahaasi doonayeen inay kaga soo horjeedsadaan dibad-baxa jaaliyadaha reer Somaliland beesha caalamka kaga dalbanayaan ictiraaf caalami ah ayaa kooxahani doonayeen inay iyaguna sameeyaan mid midnimada Soomaliya lagu doonayo. Dibad-baxan Mucaaradka Somaliland doonayeen inay ka dhigaan London ee fashilmay oo labadii maalmood ee u dambeeyay si habqan ah diyaar-garowgiisu uga socday London ayaa waxa…
Published in
News
Wednesday, 22 February 2012 13:59
Jaaliyadaha Reer Somaliland Ee Dalka Ingiriiska Oo Dibad-bax Balaadhan Oo Ictiraaf Lagu Dalbanayo Ka Wada London Iyo Shacabka Gudaha Oo Kala Socda Idaacadda Hargeysa
Written by Abdirisak
London (Ramaas) Feb 22,2012 – Caasimada dalka Ingiriiska ee London ayaa waxa dibad-bax balaadhan ka wada jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalooyinka kala duwan ee dalkaas. Dibad-baxan ay dhigayaan muwaadiniiinta reer Somaliland ayaa waxa uu hadda ka socdaa badhtamaha London iyo waliba agagaarka xafiiska raysal-wasaaraha dalka Ingiriiska Mr David Cameron . Dibad-baxayaasha ayaa sita calanka saddexda midab ah ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo waliba boodhadh ay ku qoran yihiin weedho ka turjumaya ujeedada dibad-baxa taasi oo ah in beesha caalamka iyo dawlada Ingiriiskuba ay ictiraaf buuxda siiyaan Jamhuuriyada curdinka ah ee Somaliland oo mudadii labaatanka sano ahayd ee ay jirtay…
Published in
News
Wednesday, 22 February 2012 09:16
Wariye Maxamed Boosh Iyo Xasan Cumar Xasan Oo Loo Wareejiyey Jeelka Dhexe Ee Hargeysa Ka Dib Markii Maxkamada Gobolka Hargeysa U Jartay Rumaan 7 Maalmood Ah
Written by Abdirisak
Hargeysa (Ramaas) Feb 22,2012 - Wariye Maxamed Cabdi Xasan (Boosh) oo ka tirsan shabakada wararka ee Ramaas iyo Xasan Cumar Xasan oo ka tirsan hawl-wadeenada wargeyska madaxa-banaan ee Ogaal oo labadii maalmood ee u dambeeyay ku xidhnaa xarunta CID-da Hargeysa ayaa loo wareejiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa. Labadan Wariye oo doraad loo xidhay baahinta warar aan xaqiiq ahayn oo laga helay ilo-wareedyo khalad ahaa isla-markaana isla shalay loo soo jaray rumaan todobaad maalmood ah ayaa saaka laga soo bedalay xaruntii CID-da ee ay hore ugu xidhnaayeen, loona badelay dhanka jeelka dhexe ee Hargeysa. Labadan wariye oo lagu xidhay amar ka…
Published in
News
More...
Rayiga Dadweeynaha
- Jaaliyadda Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Holand Oo Maanta Xarunta Dalkaa Ka Dhigay Mudaharaad Ay Ku Dalbanayeen In Somaliland Hesho Aqoonsi Caalami Ah (Daawo Video).
- War-bixin Xiiso Badan Oo Uu Maamulaha Guud Ee Shirkadaha Dahabshiil Ka Qoray Suxufiga Magnus Taylor Oo Ah Royal African Society Website Manager & Online Editor
- Xubnaha Saxafiyiinta Somaliland Ee Ka Hawl-galla Hay’adaha Warbaahineed Ee Madaxa-banaan Oo Cambaareeyay Xadhiga Labada Wariye, Kuna Baaqay In Deg-dega Loo Soo Daayo
- Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo Xukuumada Talada Haysa Ku Dhaliilay Sidii Loo Maamaulay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dalka Shiinaha (Dhageyso).
- Ma Dhab-baa In Madaxwayne Axmed Siilaanyo Laba Maalmood Ka Hor Safarkiisa Shiinaha Afhayeenka Madaxtooyadda U Qoray Warqad Uu Xilka Kaga Qaaday….?
- Nuxurka Heshiiska Madaxwayne Siilaanyo Ku Soo Saxeexay Shiinaha Iyo Shirkadda Shidaalka Ka Soo Saaray Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorhe Hawleedkeeda + Dekeda Berbera Oo La Wareegaysa Hawlihii Dekedda Djabuuti.
Photo Gallery
Subscribe to Newsletter
Shaqooyinka Banaan
| Job Title |
|---|
| Assistant Engineer - Hargeisa |
| Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa |
| Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo |
Arimaha Diinta
Voting Poll
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?
Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%
Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00


