Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Laba Mudaharaad oo Iska Soo Horjeeda Oo Maanta Ka Dhacay Wadanka Ruushka.

Russia(Ramaas) 4 february- 2012 Waxaa Maanta oo Sabti ah wadanka  Ruushka ka soconaya Laba Mudaharaad oo  waaweyn kuwaas oo iska soo horjeeda. Mudaharaadayaashan iska soo horjeeda ayaa waxaa mid kamida lagu codsanayay in Raysal Wasaaraha Wadanka Ruushka Vladamir Butin uu iska casilo Jagwada oo ssnu mar danbe isa soo sharaxin Halka kalena lagu taageersanaa.

Kumanaan ka mida ah dad weynaha ku dhaqan Caasimada wadanka Ruushka ee Mosco ayaa  isugu soo baxay barxada weyn ee loo yaqaano  Red Square halkaas oo ay ku taageerayeen Vladamir Butin,  iyagoo ku dhawaaqayay halku dhegyo  ay ku cadaynayaan siday u taageersanyihiin Raysal wasaaraha Mr Butin.

 

Waxaana halkaas ka hadlay masuuliyiin aad u tiro badan , Iyadoo dhamaan dadkaasi isaga daba mareen  sida ay u taageersanyihiin  Butin uuna wadanka u  gaadhsiiyay horumar la taabankaro.

Dhanka kale Waxaa meel aan sidaas uga fogayn halka uu ka socday mudaraaadka lagu taageersanaa Butin waxaa ka dhacayay mudaraad kale oo kasoo hor jeeda  kaas oo ay dad weynuhu ku codsanayeen in Raysal wasaare Vladamir Butin uu xilka iska casilo mar danbena aanu isu soo sharaxin jagada Madaxaweynenimo ee uu ku dhawaaqay inuu u taaganyahay oo uu yahay Musharax.

Dadkan ayaa  sitay boodhadh fara badan oo ay ku qoran yihiin halku dhegyo ay kaga soo horjeedaan Mr Butin, iyadoo wadanka Ruushka dhamaan uu ka da,ayo baraf aad u badan cimiladuna ay aad u qabawdahay ayna adagtahay in dadku ay taagnaan karaan dariiqyada, ayaa hadana waxaa isu soo baxay dadweyne aad u fara badan, iyagoo bilaabay mudaharaadyada 10 kii subaxnimo.

Dhanka kale dhamaan Gobolada wadanka Ruushka ayaa iyana waxaa kasoconaya mudaharaadyo kuwaas lamida oo iska soo horjeeda.

Sanadkii hore ayaa waxaa wadaka Ruushka ka dhacay doorasho lagu soo doortay Baarlamaanka wadanka Ruushka, taas oo dadku ay aad uga biyo diideen , iyagoo sheegay in si  xaq ah oo xalaala  aan loo maamulin oo ay ku shubteen xisbiga talada haya ee  Russian Union ama Ruushka Midoobay kaas oo ay Hogaamiyaan Vladamir Butin oo ah Raysal wasaaraha Wadanka iyo Demitri Medvedeev  oo ah Madaxweynaha .

Sikastaba ha ahaatee waxaa laga cabsi qabaa in ay mudaharaadadni ay sii socdaan oo ay dadku debada usoo wada baxaan  si la mida kuwii ka dhacay Wadamada Carabta.

 

Bashiir Adan

Xafiiska Ramaasnews/Russia.

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus