Hargeysa (Ramaas) Jan 17,2012 – Wasiirka Wasaaradda Arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo safar shaqo ku soo maray wadamada Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay isku diyaarad la wada socdeen Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin, ayaa sheegay inay masuuliyiinta wadamada beesha caalamka u fadhiya dalka Kenya ay uga xog-warameen arimaha Somaliland ee dhinacyada nabadgalyada iyo horumarka.
Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay inuu Magaaladda Nairobi kula kulmay ergayga qaramada u qaabilsan arimaha Soomaliya Dr Augostine Mahiga uu u soo bandhigay xaaladaha cusub ee dalka ka jira isla-markaana ka dalbaday inay soo bandhigaan mowqifka ay ka qaadanayaan.
Wasiirka arimaha dibada oo saxaafadda ugu waramay Madaarka Cigaal ee Hargeysa ayaa sidoo kale tilmaamay inay Magaaladda Nairobi kula kulmay masuuliyiin ka tirsan golaha amaanka qaramada midoobay “kulankayagu waxaan warbixin iyo xogba ka siiyey rimaha ka socda Somaliland ee dhinacyada horumarka iyo arimo xaga nabadgelaydda xidhiidh la leh intaba, ayna ka mid yihiin arimaha imika Somaliland meelo ka mid ah ka taagan, wuxuuna ahaa is xog-waraysi iyo isku waran, ka xukuumad ahaan beesha caalamka aanu ka siinayayn warbixin xaqiiiqda jirta ee ku saabsan halka ay Somaliland marayso" ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu intaa ku daray “Shir aanu shalay wadda yeelanay ergayga guud ee u qaabilsan Qaramada midoobay arimaha Soomaaliya Ambassador Mahiga oo aanu ka wadda hadlaynay arimo dalka iminka ka socda iyo mawaaqiifta ay ka qaadanayaan Qaramadda Midoobay".
Ramaasnews Desk
Hargeisa



