Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Maydadka Saddex Qof Oo Qoorta Laga Jaray Oo Laga Helay Degmada Af-Madow Ee Koonfurta Soomaaliya Iyo Tuhunada Ku Xeeran.

Af-Madow(Ramaas) Dec. 18, 2011-Meydadka saddex ruux oo qoorta laga gooyay, ayaa waxa lagu arkay inta u dhaxeyso degmada Afmadow iyo Qooqaani ee Gobbolka jubbada hoose, halkaasoo ay ka jiraan dagaalo u dhaxeeya dhinacyada gobbolka isku haya. 

Saddexdan qof ee meydkooda lagu arkay deegaano ka tirsan Jubbada hoose ayaa waxa ay kala yihiin Labo wiil oo dhalinyara ah iyo nin waayeel ah, lamana garanaya cida dishay laakiin meesha meydadkoodu lagu arkay ayaa ah duleedka degmada Afmadow oo ay ka   taliyaan Xoogaga  Xarakada Al-shabaab. 

 

Qaar kamnid ah dadka ku dhaqan deeganka Qooqaani ayaa  warbaahinta deegaankaas u xaqiijiyay meydka Sedexdaasi qof ee qoorta laga gooyay, ilaa iyo imikana lama garanayo sababta ka danbeeysay dilka nimankaasi.  

Maaha  markii ugu horeysay oo deegano ka tirsan gobolka Jubbada  hoose lagu arko dhacdo ceynkan oo kale ah, haseyeeshee hore ayaa waxa jiray dad sidan oo kale qoorta looga gooyay oo lagu arkay deegaano katirsan gobolka Jubbada hoose.

  

 

Ramaasnews Desk

Hargeisa 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus