Hadimiyo Hantaaq - Naqdi kooban: Buugga Cabdillaahi Yuusuf ee Halgan iyo Hagardaamo Qormadii: 2-3aad (Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale).
Qormadii: 2aad
“Ma ninkaan tib iyo qori,
Usha ugu tukubayee,
Taagi laa maxkamad baa,
Igu tumay albaabbada,
Arrin waliba taa lee,
Tuuggu ways qariyaa,
Halka uu ka xado tulud,
Tahan buu ka guuraa,
Toddobaadkan Xaajoow,
Mid tiriig sitaa yimid,”
La ye: Maantana Cabdillaahi Yuusuf Axmed Yey oo la ogaa wixii uu Soomaali soo mariyay ayaa qalin iyio warqad qaatay oo buug qoray. Qalinka, Dawaadda iyo waraaqaha la masabidayba annaga ayaa xaal siinnay. Weligii qalin iyo waraaq is-ma saarin oo dhaqankaaba ma lahayn ayaa la idin ka yidhi. Waqii intii uu noolaa wax ma akhriyin. Intii xusulkii xabaal ka sarreeyayna, ninka buug ehel u noqday ma aha. Garashada iyo aqoontaba la col ayuu ahaa, sidii ayaanu u neceb yahay ilaa maantadaa aynu joogno. Waxaan is-leeyahay gororkan yar ee laga soo weriyay ee buugga lagu sheegayna, dirqi iyo si fool adag ayaa lagaga soo tuujiyay. Waxaan is-leeyahay rikoodh yar inta la hoos dhigay ayaa laga matajiyay.
Miyaanu Hadraawi ku odhan maansadiisii ‘Heeliyo’ mar kale iyo marar badan oo kaleba:
“Hadashada aqoontiyo,
Hindisaha garaadkana,
Hungo qaawan baad tahay,”
Bal Cabdillaahi Yuusuf Axmed oo taariikh-nololeedkiisii ka sheekaynaya aan afkiisa ka qaadno innaga oo soo xiganayna qaybo uu arrintaa ka qoray, waxaanu sheegay in uu ku dhashay Birta Dheer oo Garowe u dhow 1934kii. Miyiga ayuu ku koray oo ku barbaaray, ka dibna wuxu qortay askari. Waqti ku beegnaa 1956kii ayaa dalkaa Talyaaniga loogu diray laba sannadood oo leyli sarkaal ah. Sidaas ayuu Cabdillaahi Yuusuf Axmed ku soo koray kuna soo gaadhay halkan uu joogo. Ma aynaan maqal in uu Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax isu baray sida saraakiil badan oo kale oo la mid ahayd oo aynu ka soo qaadan karayno: Jaamac Maxamed Qaalib iyo Maxamed Faarax caydiid.
Alla! Cabdillaahi Yuusuf Axmed iska aammus lahaaye! Miyaanu Cabdi-qays ku heesin:
“Shib baa igu habboonayd,
Debnehoon shakaalee,”
‘Odeygeennan’ cumaamaddii ka dhacaday ayay shibtaa iyo shanqadh-la’aantaasi ku fiicnaayeen. Bal maxaa ka hadliyay. Qaar aan u furayn ayaa u raray oo goob cidla’ ah kaga tegay.
Qormooyinkan taxanaha ahi, waa Naqdi aad u gaaban oo aan ku samaynayo buugga la yidhi Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa qoray. Tanna ma I noo danbaysay. Waa halkii Xaaji Af-qallooc ka lahaa:
“Iyaba waa tabaalaha adduun, taynu aragnaa,” Odhaah Soomaaliyeed ayaab ahayd:
“Ninkii dhiman waayaa muxuu tu walba arkayaa.”
Buuggan oo ka kooban 428 bog wuxu u qaybsan yahay Tusmo ahaan ilaa 96 xubnood, oo xubin kasta ama mowduuc kastaa bog ama bogag ka kooban yahay. Marka aad eegto baaxadda buugga, kama aan wada gaadhin in aan mowduuc kasta naqdiyo, bal se waxaan isku koobay qaarkood oo aan danaynayay ama dadkaba xiiso gaar ah u lahaa. Aniga oo si guud u naqdiyaya buuggan, ayaan haddana culayska saaray mowduucyo ay ka mid yihiin:
-
SNM wixii laga yidhi,
-
Halgankii SSDF,
-
Hoggaamintii Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
-
Xidhiidhkii Itoobiya, Liibiya iyo Cabdillaahi Yuusuf Axmed,
-
Sababihii ay isku seegeen Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Itoobiya,
-
Iyo arrimo kale oo aan si aan dhumuc lahayn u qaadaa-dhigayo,
Maa daama aanu buuggani si buuxda gacantayda ugu jirin ee aan dad kale la wadaagayo, ha la yaabina haddii aan mar kale iyo marar badan oo danbe ku soo noqdo Naqdiga buuggan, maxaa yeelay wax mar lagu dhammayn karo ma aha.
Bilow iyo ballaysin aan bireysnayn:
Aan dhareerka dib u ceshado, oo horto hanbalyo iyo bogaadinba u diro cidda iska leh daabacaadda buugga oo si qurux badan oo tayo leh u daabacday. Jeldi iyo waraaqba waa heer sare, bal se wax ka hooseeya ayaan jirin. Guusha la iskama xistiyo e’, aan bahda daabacday buugga intooda u qiro oo ku idhaahdo hanbalyo iyo bogaadinba naga guddooma. Malahayga se, buugaag kale oo dadka uga faa’iido badnaan lahayd ayaa idiin ka habboonayd in aad dedaalkaa gelisaan. Quruxda iyo jeldiga ayaa lagu asturayaa madhnaanta iyo macno-la’aanta buugga.
Maansadii Jiitama ee Hadraawi ayaa waxa ku jiray tuduc ahaa:
Qormadii: 3aad
“Dalka oo dhan nuurkiyo,
Dharka loogu xidhayaa,
Dhaanto loogu tumayaa,
Dhaldhalaalka beenta ah,
Ayaan dhuux ka hoosayn,”
Berigaa Hadraawi maansadan wuxu ka tiriyay dhaldhalaalkii dabbaal-degga Oktoobar loo samayn jiray. Shaqalka iyo sharaxa buuggan ayaa taas oo kale ka dhigan.
Mar labaadka, wixii uu doonaba ha qoro e’ in Cabdillaahi Yuusuf Axmed wax ka hadhaanna ma xumo. Weliba intii cid kale wax ka sheegi lahayd, in uu isagu iska sheego oo iska sheekeeyo ayaa ka fiican oo aan berri la odhan been baa ‘odeyga’ laga sheegay.
Mar saddexaadka, waxaad madax-wareer ka qaadaysaa hab-raaca (Methodology) loo cuskaday qoraalka buuggan, wax walba buug laguma sheego e’. Bal ila eega qodobbadan tilmaanta iyo tusmadaba u ah:
-
Ma aha sheeko taxan (narrative) oo loo dareerinayo sidii loo qori jiray sheekooyinka nooc ay yihiinba,
-
Ma aha baadhis qoton iyo dhumucba leh oo mowduucyo la xiiseeyo oo dadka Soomaaliyeed saamayntooda ku leh lagu axadhayo ama lagu gorfaynayaba.
-
Ma aha dhacdooyin taariikheed oo taxane ah oo la marinayo,
-
Waa booshaaq sidii gaaraa-bidhaanka hadba meel ka hillaacaya oo wax yar oo laga roon yahay hadba soo tufaya,
Waxa wax walba ka daran sida aanu buuggani u lahayn wax raad-raac ah (bibliography). Haddii aad wax qorayso sow qoraalka lagaagama horreyn oo in aad cid cuskato ama tixraacdo loo ma baahna. Buuggani waa dareeris sida aad u akhriyayso ayaa waxa kugu soo baxaysa kelmedda Dhammaad oo far waaweyn ku qoran. Hadal-tirada buuggan 428 bog ah ku qoran maxaa raad-raac loo hayaa? Haddii kale sow macno-la’aan ma aha.
Hore ayaa loogu maah-maahay “Nimaan quusan, naftiisa ayaa quus ah.” Bal ka warrama haddii Cabdillaahi Yuusuf Axmedba weli hadlayo. Miyaanu Cali Sugulle Dun-carbeed hore u odhan:
“Ma hadhin hadal la is-yodhaahdaa,
Hubsiimo hal baa la siistaa,”
Qalin iyo qoriba waa lagu dagaallamay oo xaq iyo baaddil ayaa is-laayay. Waa lagu kala calaf qaaday oo waa lagu kala guulaystay. Dorraad Deelleey ayaa foodda la isku daray. Waa la ogaa wixii ka dhacay oo waa tii Xasan Ganey guusheedii ka yidhi:
“Duub taa ku kala saar,
Lixley baa dillaacdee,
Dibudhaca af-jinacley,
Duhurkii guray tidhi,
Damacna yaanu kaa gelin,
Dib in aad u jebisee,
Ii sheeg da’daaduun,
Aad I noo ducaysid e’,”
Tolow, Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu duruustan baran oo aanu casharradan dhiganba. Ma in qeyrkii loo dardaar-werinayo ayuu moodayaa. In uu isaguna ku jiray miyaanu ka war-qabin.
‘Daalalleydiina’ miyuu illoobay! Ma wuxu moodayaa in dagaalkii weli socdo. Sow tii lagu kala food-qaaday ee intii uu ka tirsanaa ee Digtatoor iyo talo-maroorsade lahayd laga adkaaday. Ma iyagaa joogaba meel ay ka hadlaan. Gaal-la-joogtii xukun-maroorsiga ku mamtay sow tii shadaafta loo laabay. Miyay ku caweeyaan degelladii ay sida haldhaaga tallaabsan jireen. Sow ma ahayn in uu Cabdillaahi Yuusuf jaxaasto ‘Daalalleydii’ asaaggii loogu quus-gooyay. Hadraawi hadalka miyuu badhay? Miyuu dhex joogsaday? Inta uu ka badheedhay miyaanu odhan:
“Inta daran intaw daran,
Haddaan duulal lagu falin,
Haddaan deebta gumuciyo,
Lagu guban dabkaan shido,
Duhur laysla wada jiro,
Haddaan guusha lay deyn,
Alleylehe docdaydii,
Ha goblamo Dal-weynuhu,”
Cabdillaahi Yuusuf Axmed miyaanu ka dheregsanayn in aanu goblamin Dal-weynihii ee la dhacsaday oo maanta aanu dhex joogno oo aannaan marti ku ahayn meel baas iyo reero muskood.
Daawasho ku-digasho leh, bal aynu ku dhex qaadno waxan buugga lagu tilmaamay ee Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaan-darradiisa ku soo bandhigayo shakhsiyaddiisa dhabta ah iyo duunkiisa hoose waxa ku jira ee aan qowmiyad iyo qarannimo ehelka u ahayn bal se ku qotoma qudhunka iyo qabyaaladda aanu ka weynaan da’da uu maanta ayahay.
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
(La soco…………………).
- Warbaahinta Caalamiga Ahi Maxay Ka Tidhi Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Iyo Xukunka Dilka Ah Ee Sida Deg-dega Ah Maxkamada Milatarigu Ugu Qaaday 17-ka Qof..?
- Maraykanka Oo Muhaajiriin Somali Ah Ka Daad-gureynaya Jasiirada Malta Iyo Tahriibta Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Aad U Kordhaya
- Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysiga Dacwada Masuuliyiinta Eedaymaha Musuqmaasuq U Xidhan Maanta Dib Ugu Dhigtay Codsi Uga Yimid Ciidamada Booliska
Shaqooyinka Banaan
| Job Title |
|---|
| Assistant Engineer - Hargeisa |
| Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa |
| Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo |
Arimaha Diirnta
Voting Poll
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?
Total votes: 71




