Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Erey bixinta Afka Soomaaliga (Qalinkii: Siciid Ibraahim Xusseen).

Afka ama Luqaddu waa waxa Ummad ama Qowm uu isku weydaarsado danaha iyo baahiyaha noloshooda ee ay ku wada xidhiidhaan, Afku waa sida Insaanka ku hadlaya oo waxa ku dhaca isbeddelo la mid ah ka Insaanka ku dhaca,sida xanuun,daal,tamar darro,iyo in uu xubnaha qaar waayi karo,ama geli karo xaalad dhimasho,markaa waxa dhacda in isbeddel kelmedihiisa ku dhacaan oo qaar adeegsigoodu yaraado ama joogsado sababo darteed ama kelmedo aan hore ugu jirin Afkaa ay soo galaan oo loo adeegsado si joogto ah,markaa isbeddelkaa qaar kelmed hore u jirtey ayaa qaadata macne labaad ama macnihii hore waa laga tagaa oo meeshuu ka baxaa ama isagoo jira macnihii hore ayaa macnaha labaadna hirgalaa,markaa isbeddelada kelmedaha ku dhaca waxay u badan yihiin kuwa ku yimaadda si aan loo qasdin oo isticmaalka iyo baahihiyaha iyo duruuftu keento,isbeddelada qaarkoodna waa loo qasdiyaa oo Erey bixin loo badheedhay oo baahiyi keentay baa jirta,waa sidii dhacday 72kii markii Afka Soomaaliga lagu qoray Laatiinka ee la turjumey dhamaan Buugaagtii ku qornayd Afafka kale.

 

Waxa dhamaan kelmedaha loo adeegsaday Erey bixintu ay ahaayeen kuwo dadku wada garanayaan oo faseex ah,waxana faseexnimada shardi u ah in kelmedahaas ay dadka reer baadiyaha ahi si caadi ah nolol maalmeedkooda ugu adeegsadaan.

Haddaan tusaale kooban ka soo qaadanno Erey bixinihii hirgalay waxa ka mid ahaa:

رابطDabar:bond:

Awrka si socodkiisa loo kaantaroolo oo loo xaddido waxa labada lugood ee hore lagaga xidhaa xadhig la yidhaahdo Dabar,waxa Erey bixin ahaan loo soo qaatay Kimisteriga waxa laba Curiye isku xidha,sida hal malakuyuul oo Haydarajiin ah iyo laba malakuyuul oo Ogsajiin ah waxa isu haya oo isku xidha Dabar,maraas ayay sameeyaan Biyo.

مركبIskudhis:compound:

Laba Curiye iyo wixii ka badani hadday falgalaan oo dabar isu hayo waxay sameeyaan Isku dhis,oo waa sidii wax la isku dhisay.

عمل المنزليShaqo guri:home work:

Dersiga marka Ardaydu Fasalka ku soo qaataan waxa loo diraa Laylisyo ay kaga soo jawaabaan Guriga,oo jawaabaha Dugsiga kula soo noqdaan,taas Erey bixinta loo gartay waa:Shaqo guri.

تكرارRakaad:frequency:

Dhaqan ahaan Geela marka la waraabinayo,cabbidda laba qaybood ayaa loo qaybiyaa, ta hore markuu cabbo wuu u yare nastaa,oo biyihii ayaa ku dega,ka dib ayaa mar labaad lagu celiyaa cabbitaankii,taa labaad waxa loo yaqaan Rakaad,markaa Fiisigiska ayaa Erey bixin ahaan loogu soo qaatay marka sheygu noqnoqod sameeyo in loo bxyo Rakaad.

دالةFansaar:function:

Faraska marka laba qof fuulaan sida ka hore u ruxmayo ee u dhaqdhaqaaqayo si la mid ah ayaa ka danbena u dhaqdhaqaaqaa,markaa waxa Erey bixin loogu soo qaatay Xisaabta is raadaynta qaybi qaybta kale ku samayso.

عازلMa gudbiye:insulator:

Waxyaalaha qaar ayaan gudbin danabka ama korontada sida looxyada iyo caagaga iwm,markaa si hawl yar ayaa loo soo qaatay Erey bixintan oo la yidhi ma gudbiye.

الجهاز العصبيHabdhiska dareen wadka:nervous system:

Habdhis oo ka kooban laba kelmedood oo kala ah hab oo ah nidaam iyo dhis oo ah sida wax u samaysan yihiin ayaa Erey bixin ahaan loo soo qaatay System ama Jihaas oo marka la soo gaabinayona waxa la odhan karaa dhis sida dhiska dareenwadka.

الجهاز الهضميHabdhiska dheefshiidka:digestion system:

Habdhis oo ka kooban laba kelmedood oo kala ah hab oo ah nidaam iyo dhis oo ah sida wax u samaysan yihiin ayaa Erey bixin ahaan loo soo qaatay System ana Jihaas oo marka la soo gaabinayona waxa la odhan karaa dhis sida dhiska dheefshiidka.

Habdhiska taranka,habdhiska neefsashada,habdhiska qashin saarka…iwm.

قمر الإصطناعيDayax gacmeed:satellite:

Waxa cilmigu gaadhay in la sameeyo qalab ka awood badan diyaaradda oo meelo fogfog oo samada ah gaadhi kara waxa Erey bixin loo qaatay Dayax gacmeed.

رائد الفضاءCirbixiyeen:stronaut/spaceman:

Qofka wada Dayax gacmeedka waxa Erey bixin ahaan loogu yeedhay Cirbixiyeen.

معادلة آنيةIsle'egyo wada jira:simultaneous equation:

Waxa Erey bixinta la adeegsanayey marmarka qaarkood in laba kelmedood iyo wixii ka badan la isku rakibo oo laga sameeyo Ereybixin sida Isle'egyo wada jira oo u dhiganta sida ay Afcarabiga iyo Ingiriisigu u macnaynayaan.

مولد الكهرباءDanab dhaliye:generator:

Waxa Danab loo soo qaatay macnaha korontada sidoo kale dhaliye waa sameeye,markaa waa koronto dhaliye.

حركة دوريSocod kaltameed:periodic motion:

Kalka waxa la yidhaahdaa waqtiga go'an ee Xooluhu ku cabbaan ee loo eegayo muddada ay biyaha ka qatanaanayaan,markaa kaltan waa in shayga lagu kaltamo oo qofba doorkiisa qaato,markaa waxa Fiisigiska loo soo qaatay sheygu inta uu socodka ku dhamaysanayo ee ka kale ee socodkaa xiga ku gelayo sida socodka walhashada oo kale.

تمرينLayli:exercise:

Awrka marka loo taba barayo in uu barto qaadista reeryada iyo baridda hoggaanka waxa la yidhaahdaa Layli ama Laylyid,oo waxa loo laylyayaa in uu barto heeryada iyo hoggaanka,taas ayaa Erey bixin ahaan looga soo dheegtay marka Ardayga Dersiga lagu tababarayo waxa la yidhi:Layli(s).

Afka Soomaaligu waa Af hodon ah oo koobsaday dhamaan sifooyinka Af ku gaadho derejada Hodonimada ama Qaninimada taasoo ay ugu muhiimsan tahay in wax kasta oo maskaxdaada ku soo dhaca aad ku cabbiri karto hadal oo si hawl yar u u dabooli karo ujeedadadii iyo fahankeeda,Afka soomaaliga Tix iyo Tiraabba waxa aanu ka tegin oo hilmaamin wax kastoo luqad kale koobsato balse wuu bara dheereeyey.

Afka ama Luqaddu waa muraayadda soo gudbisa ee soo bandhigta dadka Afkaa ku hadlayaa waxa ay aaminsan yihiin,dhaqankooda iyo caadooyinooda iyo sida ay u fekeraan iyo dhamaan wixii Ummad lagu baadisooci karo oo dhan,waxa Afka saafinimadiisa laga helaa oo halbeeg u ah dhulka baadiyaha ah ee miyiga ah dadka ku nool ee aan ku khaldamin Afaf kale iyo xaddaarado kale oo marka la rabo in la ogaado kelmed saxnimadeeda iyo marka la rabo Erey bixin waxa keliya oo la adeegsan karaa kelmed saafi ah oo reer miyiga xoolaleyda ahi ku hadlaan,lagama dhigi karo Erey bixin kelmed ay adeegsadaan Beeraleyda ama Kalluumaysatada waayo dadka intiisa badan ee aqlabiyadda ah oo ah Xoolaleey ayaa Afkooda loo adeegsan karaa halbeeg iyo Ereybixin.

Afafkii ama Luqadihii beri hore Afsoomaaliga soo galay waxay ka mid noqdeen Afkan,oo dadku kama maarmi karaan meeshoodana erey cusub ma gelin karaan,sidaa darteed ma bannaana in la isku dayo in Erey bixin loo sameeyo kelmedo Afaf kale muddo hore ka yimi,oo hadda loo adeegsado si caadi ah oo la isku fahmo laguna guto baahiyaha iyo adeegyada kala geddisan ee bulshada,waxa keliya oo Erey bixin laga samayn karaa Tiknoolajiga cusub iyo wixii aqoon cilmiyeed ee daruuri ah.

 

waxa jira in kelmedaha Afafka kale ah ee aan is beddelin iyo kuwa isbeddelka yari ku dhacay ee Afsoomaaligu ka kooban yahay u qaybsamaan kuwo dhig aan loo heli karin habayaraatee iyo kuwo dhig loo heli karo laakiin dhiggaasi adeegsigii aanu wada daboolayn oo meelaha qaar ka gaabinayo,oo kelmedda Afafka kale ahi daboolayso oo sidaa la caadaystey la iskuna fahmo.

Kelmedaha metelan aan dhig loo heli karayn waxa ka mid ah:sariir,kursi,miis,gidaar, derbi,marwaxad,niyad,nasiib,masiibo,dawlad,siyaasad,hawo,dabeecad,macdan,qalin,

warqad,khad,farxad,qish,madbakh,malgacad,muus,basal,khudrad…iwm.

Kelmedo dhig loo heli karo oo aan macnihii dabooli karin baa jira waayo metelan waxa loo isticmaalaa meelo iyo munaasabado kooban,sida weji ma dabooli karo macnihiisa fool,waayo marka hore macnaha kale ee uu leeyahay ayaa looga isticmaal badan yahay oo ah illiga hore ee dhoosha ku xiga ee wadartoodu noqonayso foolal,iyo dadka oo aan caadaysan in fool ay weji u isticmaalaan hadalka caadiga ah oo metelan haddaad tidhaahdo:foolka ayaa fin iga soo baxay!,waa lagugu qoslayaa,oo kani ma Oromaa ayaa la odhanayaa!!!.iyo kelmedo badan oo sidaas oo kale ah.

Afku waa ka ay bulsho ku hadasho ee isku fahanto ee isku weydaarsato farriimaha iyo danahooda kala geddisan,sida iyo qaabka ay bulshadaasi isku fahanto ee u adeegsato ayaa sharciga Afkaa sameeya,isagaana asalka iyo qaabkiisa suga oo caddeeya,ma aha erey bixintu tusaale ahaan wax hirgeli kara iyadoo baahi jirto waqti go'an oo xaddidan mooyee,ma aha wax dhexdaa furan ah oo qofkasti si wax u dhigo,sida kuwa ereyo hore u jirey da'dooduna guun tahay doonaya in ay ereyo kale u sameeyaan tusaale tarjamo amaturjumaadda weligeed baa la adeegsanayey erey bixin uma baahna sida kuwa yidhi tebin baa la odhanayaa,kelmedda tebin oo dhawr macne leh hadda waxa ay u taallaa macnaha gudbin,aaladda la adeegsanayo marka shey meel laga gudbinayo ee meel kale loo tebinayaana waa hadduu haddal yahay tarjamaad,oo hadalkaa waa la turjumayaa si loogu tebiyo darafka kale,markaa tebintii waa gaadhsiin iyo gudbin shaqadii fulinteediina waxa ay ku imanaysaa turjumaad la sameeyo,markaa kelmeddani erey bixin uma noqon karto waxayse tahay dhaawac iyo cawaraad soo food saartay Afkan,kelmedda qadiimka ah ee afka ka dhaxalgalay ee la isku fahmaa uma baahna rarid iyo beddelid midna ee waa sida dadka ku hadlaa isku fahmaan ee isku afgartaan,u fiirso haddaan kelmeddii "tarjumaadda"joojiyo nusqaan baan ku keenay hodonimadii Afka,ta kale kelmed hore u lahayd macne ayaan macneheedii geliyey khilaaf oo macnihii horena ku cidhiidhyey kii cusbaana aan ku degganayn oo u baahan kaabid iyo taageero,markaa ma waxtar baa misa dhaawac?!.

Haddaan idhaahdo:tebiyihii ayaa goobtaa dhaawac ku gaadhey iyo haddaan idhaahdo:turjumaankii baa goobtaa dhaawac ku gaadhey,kee ayay dadku ila fahmayaan?!.

Tusaale kale waxa aan u naqaannaa qofka halabuurka ah:Abwaan sida ragga ay ka mid yihiin Hadraawi,Gaarriye,Xasan Genay,Cabdiqays…iwm,haddaan Qaamuuskiina ugu yeedhno Abwaan sidaa kelmeddii loogu heshiinayaa,meeshase ma wax baa la soo kordhiyey misa kelmed inta meeshii laga saaray(Qaamuus) oo la naaqusay tiradii iyo hodonimadii Afka baa tii kalena macnihii shaki iyo isweydiin la geliyey,waxa ay ila tahay Afkan dadka ayaa u sababaya dhib iyo dacfi!.

Af si badheedh ah loo sameeyaa ma jiro,marka dan iyo baahi gaar ahi keento mooyee sidii erey bixintii la sameeyey markii Afka la qorayey,ee laga tarjumayey Afafkii kale ee buugaagtu ku qornayd,hadda wixii tiknoolaji ee cusub ee soo kordha waa suurtagal in erey bixin loo sameeyo laakiin erey guun ah oo weligii la adeegsan jirey Af kale ayuu innaga soo galaye erey bixin u sameeya ma soconayso mana aha wax caqliga iyo cilmigu ogol yihiin,Afku waa ka la isku fahmo ee lagu wada xidhiidho ee lagu fushado danaha nolosha ee kala geddisan,midda kale kelmedaha luqadi ka kooban tahay badnaantoodu waxay u soo jiiddaa hodontinimo oo waxa qofka u suuragelaysa in uu dhawr erey oo isku macno ah ama Af kale asal ha u ahaadeen ama yaanay u ahaane hadba kuu doono isticmaalo isagoo eegaya ku habboonaanta iyo daboolidda ujeedada lagu cabbirayo,metelan:fursad,jaanis,haleel waa saddex kelmedood oo isku macno ah,oo labo Afcarabi iyo Ingiriisi asal ahaan yihiin haddaan ka qabyaaladoodo labadaa erey oo ka tago anigaa ku dhib qaba o Af qani ahaa oo hodon ahaa ayaan caydheeyey oo faqri ka dhigay oo cidhiidhi geliyey adeegsigiisii sida raaxada leh ereygii habboonba aan si hawlyar u adeegsado,metelan saaxiibkaa ayaad ku tidhi: saddexda aan Masaajidka isugu nimaadno,markaas ayuu kugu yidhi:saddexda fursad ma haysto ama saddexda jaanis ma haysto ama saddexda ma haleelayo,inkastoo ta ugu danbaysa waxyar oo diidmo ah laga dhadhansanayo oo labada hore laga isticmaal badan yahay,haddana waa fursad ballaadhan in aad si raaxo leh kelmeddaad doonto u adeegsato,haddaad kuwa asalkoodu Afafka kale yahay meesha ka saarto adigaa isku cidhiidhyaya hadalkii iyo xorriyadiisii!!!,markaa looma baahna hadal la caadeystay oo la isku fahmo in la yidhaahdo erey bixin baan u samaynayaa,waa curyaamin iyo dagaal qaninimada iyo hodonimada Afkan Alle siiyey.

Tusaale aan soo qaadanno Rag isku deyey Erey bixino aan la aqbali karin:

Afdegel:waxay ku macneeyeen Lahjad,oo dadkoo dhami wada yaqaanno,degelku ma hadlo waa Saalada xoolaha marka ama roob qooyo ama kaadida xoolahu qoyso oo ay isku dhegto oo lakabbo noqoto.

Abwaan:waxay yidhaahdeen Qaamuuska ayaa Abwaan la yidhaahdaa,ma sidaan u baranay baan Hadraawi iyo Xasan geney iyo raga la mida ah Abwaan nidhaahnaa misa Qaamuuska ayaan ku sheegnaa Abwaan waa arrin fara ba'an ku haya Afka iyo xasiloonidiisa.

Xero edegayn:waxa ku macneeyeen wax caalami laga dhigayo,globalization,ma xoolaa dadka loo celinayaa oo xero inta laga sii kaxeeyo ayaa edeg la gelinayaa?! maxay dadku kaga meeraysanayaan xeryaha iyo degelada ma Afkaa magansaday, caalam-caalami-caalamiyayn (globalization) iyadoo afkeennii kelmedii ku jirto maxaa buuro i saaraya

Tebin:waxay ku macneeyeenTarjamo,waana kelmed dadku wada yaqaanno oo aan u baahnayn beddelaad iyo erey bixin.

Waxa keliya oo Erey bixini ka bannaan tahay tignoolajiga cusub iyo aqoon cilmiyeedka daruuriga u ah nolosha ee innagu cusub,waxana Erey bixinta ka masuul ah oo shardiyo u dhigaysa oo hirgelinteeda iyo aqbalideeda yeelanaysa hay'ad gaara oo xilkaa iyo xilka Luqadda ama Afsoomaaliga ah haysa,sida Majmacu Luqa Soomaaliya,magacii la doono ha loo bixiyo ee ilaalinta iyo ogolaanshaha ka masuul ah,oo wixii waafaqa shuruudaha cilmiyaysan ee ay aqoon yahankaa Afku dhigeen ayaa hirgelaya,iyagaana ku talinaya sida loo fulinayo ee loo hirgelinayo wixii sax ah.

Afka Soomaaliyeed waa Af qoraalkiisu waafaqsan yahay dhawaaqa,waana Af sida loo doortay inkastoo ay Carabigu aad ugaga sii habboonayd,haddana waa Af daboolay dhamaan baahiyihii Af laga rabay oo dhan,wax habayaraatee xasillooni darro ah,ama qabyo ahna ma leh,sida ay dadka qaar qabaan,waxa dadka qaar ku doodaan in labanlaabka oo xarfaha qaarkood ay foolxun tahay in la adeegsado labanlaabkooda sida Dh'da oo kale,oo kelmedaheeda labalaabmaa aad u yar yihiin,iyo ereyo laba qaab ama wax ka badan loogu dhawaaqo ay jiraan,waxaas oo dhan ma aha wax iin u yeeli kara farta Soomaaliga oo ah far aan ceeb lahayn,oo waa Af hirgalay sida loo qoraana hirgashay,oo aan hadda loo fadhiyin wax isbeddel ah oo lagu keeno,qofkii isku dayaa isagaa daalaya!.

Afka Ingiriisiga oo ah Afka Adduunka ugu horreeya,ee loogu isticmaalka badan yahay,haddana marka la eego xasillooni darrada ama qabyanimada dadka qaarkood Afsoomaaliga ku sheegaan,Isaga ayaa Ingirisigu kaga badan Afsoomaaliga haddana dadkiisu uma baroortaan ee sidaas ayay kaga dhigeen Afka Adduunka ugu horreeya,Afka Ingiriiska waxa aad ku dhawaaqayso iyo waxa aad qoraysaa inta badan isuma dhowa,sida Saynis-science,Farmasi-pharmacy,Inaf:enough…iwm, waxa kale oo aad arkaysaa xaraf keliya oo dhawr dhawaaq oo kala geddisan loogu dhawaaqayo sida:

dhawaaqa fa'dawaxa loo qoraa:

/f/

F fat,after,if,ffstuff,official,gh enough,roughneck,tougher,phphysics,apostrophe, graph,pph sapphire

Dhawaaqa ka'da:

/k/

k Keep,cookie,took,ck package,crackling,sack,c cool,cane,laconic,picnic,ironic,

cc accolade,accordin,cu biscuit,circuit,ch chemistry,school,lachrymose,tech,

cch saccharin,que conquer,plague,cque lacquer,racquet

Dhawaaqa Sha'da:

/s'/

sh shy,ashen,fishnet,hush,ch chef,moustache,si tension,emulsion,ssi profession,mission,shi cushion,fashion,ti station,option,ci precious,ancient,sci conscience,conscious,ce ocean,gaceous,su censure,cocksure,ssu fissure, tissue, assure

waxa jira dhawaaqyo kale oo fara badan oo sidaa dhawr qaab ku yimaadda sida:s,z,g,c,y…iwm

Afsoomaaliga oo sida ama waxa aad ku dhawaaqdo aad qorayso,waxa jira dhawaaqyo ka kooban laba xaraf sida DH, KH iyo SH.iyaga iyo xarfaha kale midna laysagama keenin si kediso ah,ee waxa loo eegay shardiga iyo sifooyinka cilmiga luqaddu leeyahay,oo xaraf kasta ama dhawaaq kasta waxa uu leeyahay sifo u gaar ah,sidoo kale waxa uu ka soo baxaa meel gaar ah(place of articulation-Makhaarijul xuruuf), taas oo summadda loo qaadanayo dhawaaqa ama xarafku ay waafaqayso meesha uu ka soo baxayo,xarfaha kale ee uu la jaarka yahay iyo sifada uu sitaa nooca ay tahay, markuu soo baxayo iyo markuu la kulmo xarfaha kale ee uu la samaynayo kelmedda, tusaale DH, KH iyo SH'du waa dhawaaqyo waafaqsan meelaha ay ka soo baxaan iyo sifada dhawaaqa sidaa darteed suurtagal ma aha in summad kale loo qaato,iyadoo summad sawirro ah la qaato sidii tii Cusmaaniyada oo kele mooyee,laakiin xaraf kale oo la yaqaanno meesha uu ka soo baxo iyo sifaha uu sito ma meteli karaan,dhawaaq kale oo aanay isku sifo iyo meel ka soo bixid wadaagin.

Dadka ku dooda in kelmedaha qaar haddii laga tago labalaab ay lahayd(sababtay doontoba ha looga tegee) in macnuhu is doorinayo,laakiin waa inay ogaadaan in kelmedda macneheeda dhabta ahi soo baxo marka ay weedh ku dhex jirto oo siyaaqa(context) laga garto laguna kala saaro,oo lagu kala sooco kelmedaha isku khaldami kara!.

Afka Soomaaliga dad fara badan ayaa dadaallo fara badan u sameeyey,dadka qaarkoodna iyadoo dadaal ka ah ayay gefaf iyo khaladaad u soo kordhiyaan,sida in aan aqoon qofkaasi u lahay xeerarka iyo shardiyada cilmiga luqada ee caalamiga ah, taas oo aan laga tallaabsan karin,waxyaalaha ka fog maskaxda ama nidaamka cilmiga luqada ee in badan la maqlo waxa ka mid ah arrimahan dhawrka ah:

Afka Soomaaligu waa dabargo'ayaa---waana hadal aan caqli ahayn waayo dadkii ama qawmkii ku hadlayey inta ay dhaqan yihiin dabargo' loogama yaabo.

Waa Af u babac dhigay oo iska difaacay dhamaan wixii raadayn kari lahaa,oo labadiisii lugood qummaati ugu taagan.

Afka Soomaaliga waxa haysta xasillooni li'i,iyo qabyonimo xagga qoraalka ah---waana arrin aan sax ahayn oo aan cilmi ku salaysnayn,haysanna wax dalliillo cilmiyeed ah,ee waa mala awaallo ay ula muuqatay nin is yidhi dadaal.

Afsoomaaligu waa Af hodon ah,oo cabbiri kara dhammaan waxa dareenka aad ka hesho,oo macnihiisa si fudud u sawiri kara,sidoo kale waa Af hirgalay oo qoraalkiisu aanu ka daba teg lahayn,oo aan la joogin waqti wax laga beddelo ama lagu kordhiyo, waa Af waddadiisa jeexday oo xoog iyo awood uu iskaga difaaco Af kastoo soo galeeti ah leh,waa Af ilaa intii Ummaddan ku hadlaysaa beernayd ilaashaday sifihiisii iyo qiimihiisii oo aan maanta oo uu qoran yahay,oo buugaag laga allifay aanu lahayn cabsi iyo cid iino aanu lahayn ugu yeedha….

Afkani waa Af jeexday dhabbadiisii caddayd oo aanu jirin Af ku dherersanayaa habayaraatee marka laga reebo Carabiga oo ah Luqatul Quraan,dadka qaarna qabaan in Soomaaligu yahay farci Carabiga ka mid ah.

Afka Soomaaliga waxa ku jira kelmedo qalaad waa in erey bixin loo sameeyo—waa arrin aan suurtagal ahayn waayo kelmedaha beri hore Afsoomaaliga soo galay way ka mid noqdeen,oo maanta dadku Af cusub uma baahnee,kay ku hadlaan ee isku afgartaan waa afkoodii,kemedaha beri hore soo galayna waa la qarameeyey,oo ma aha suurtagal in tusaale ahaan "shoog" ama "jaanis" kelmedo kale lagu beddelo waayo waxay wiiqaysaa habsami u socodkii wada xidhiidhka iyo hadalkii weligeed laysku afgaranayey.

Kelmedaha Cilmiga ah ee aan hore erey bixinta loogu samayn keliya,ayaa bannaan in loo sameeyo Erey bixin,iyadoo guddi qaabilsani ay ogolaanayso marka ay dersaad iyo baadhitaan cilmi ah ku samayso,guddiga loo doortay Afka iyo Dhaqanka ayaa qofkii hela habboonida erey bixinta uu arko u soo gudbinayaa,iyagaana go'aan ka gaadhaya dhaxalgelinta erey bixintaas,iyo sida loo hirgelinayo ee loogu xusayo qofka leh fikraddaas iyada ah.

 

 

Siciid Ibraahim Xusseen

saeedsix@hotmail.com

As/w/w 

Copyrights © 2011 Ramaas News. All Rights Reserved.  

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diirnta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

 

Banner

Banner

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Photo Gallery

Latest Videos

blog comments powered by Disqus