Hargeysa (Ramaas) Jan.16, 2012 – 20 Saxafi oo shalay xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa maanta dib xoriyadoodii u helay, ka dib markii ururka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ay xukuumadda culays ku saareen in la soo daayo.
Wariyayaashan oo dhammaantood ku xidhnaa saldhiga dhexe ee booliska Hargeysa ayaa waxa ooda ka qaaday wasiirka wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo isagu shalay bixiyay amarka lagu xidhay.
Kooxdan saxafiyiinta ah oo xalay u hoyday saldhiga dhexe ee Hargeysa ayaa maanta markii la soo daayey waxa saldhiga hortiisa ku soo xoomay dadwayne tiro badan, kuwaas oo wariyayaasha soo dhaweeyay markii ay dibada u soo baxeen.
Ka sakow sii daynta wariyayaashan oo la sheegay in Waiirka arimaha guduhu fududeeyay ka dib markii culays badan lagu saaray in saxaafada xoriyadooda loo soo celiyo, saxafiyiintan ayaan ku ganacsanayn sii dayntan, iyagga oo sheegay inaan loo sheegin sababta xabsiga loo dhigay, iyadda oo aan wado sharci ah loo soo marin, iyagga oo xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, gaar ahaan Wasiirka arimaha gudaha ku eedeeyay inuu kula kacay fal bani-aadaminada ka baxsan oo aan loo baahnayn.
Sidoo kale, xadhiga saxafiyiintan la sii daayey ayaa la sheegay inay isku seegeen Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Md Cabdicasiis Maxamed Samaale Iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Cabdilaahi Cukuse oo isagu ah musdam-beedka xagga dambe ka hagaya tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda, waxaana la sheegay in Guddoomiye Samaale Madaxwayne Axmed Siilaanyo kula taliyey inuu iska qabto Afhayeen Cukuse oo uu ku tilmaamay inuu yahay shakhsiga xukuumadda iyo saxaafadda madaxa-banaan dabka dhex dhigaya.
Ramaasnews Desk
Hargeisa




