Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha
Fikirka Aqoonyahanka
Fikirka  Aqoonyahanka

Fikirka Aqoonyahanka

Kusoo Dhawoow bogga Fikirka Aqoonyahanka ee Shabakada Ramaasnews. Boggani waa madal kulmisa aqoonyahanka kala duwan ee bulshada, ardayda jaamacadaha iyo khubarada mihnadaha gaarka ah si ay ugu soo bandhigaan fikirkood ku aadan arimaha ka taagan Mandaqada Geeska Afrika iyo tan caalamkaba, ha noqdaan arimaha bulshada, kuwo dhaqan-dhaqaalaha, siyaasada iwm . Boggani waa bogiinii, waa boggii qormooyinka cilmibaadhista ku salaysan. Shabakadu waxay ku dhiiri galinaysaa inay akhristayaashu mihnadooda qoraal iyo falanqayneed kusoo bandhigaan madashan.

Maamulka Dhaqaalaha: In dhismihii Hay’adaha adeegga iyo dhaqaalaha ee dalka sidiisii ahaado ilaa inta sharci cad oo lagu kala baxo la hirgelinayo, sharcigaa isaga ah oo xukuumaddu soo saarayso Baarlamaankuna ansixinayo, taasi oo looga jeedo in aanay xaaladdu ka bilaabmin caddaalad-xumo, qaraabo-kiil, mususq-maasuq abuuri kara xiisado cusub, boob iyo xasillooni-darro. Qodobkan oo loola jeedo u-talinta hay’adihii jiray ee caamka ahaa iyo hantidooda dadka ka dhexeysa, macnihiisu ma aha in la sii wadayo siyaasadihii xukunkii hore ee awoodda dhaqaalaha iyo iliilihiisaba ku ururinayay gacanta dawladda, siyaasdahaas oo dhaxalkeedu noqday dawladdii oo culays ka weyni saarmay, hay’adihii oo qaar badani is-bixin waayeen,…
Waa Go’aammadii oo aan idiin ku soo gudbinayo sidii ay u qornaayeen. Waxa keliya ee aan raaciyay waa sawirrada qaarkood si’ aad uga buuxsataan indhaha oo warkii iyo sawirkii isula heshaan: “Kal-fadhiga 2aad ee Caadiga ah ee Golaha Dhexe ee SNM oo socday 8/5/91kii – 4/6/91kii, wuxu markii ugu horreysay taariikhda Ururka, qabsoomay mar gebi ahaanba Gobollada Woqooyi laga xoreeyay Taliskii Faashiga ahaa ee Siyaad Barre, oo uu weliba u bilaabmay Beelaha Gobollada waa cusub, nabad iyo walaalnimo ku dhisan danta loo dhan yahay ee dadweynaha. Hawlaha Kal-fadhigu waxay la kowsadeen marxalad cusub oo taariikhi ah soona food-saartay ururka iyo…
Waa Taa Xoriyaddii xamar ha geynin Haddaw baad xanaaqi eh xamar ha geynin Waa lagu xasuuqi eh xamar ha geynin (Calafso) Ereyadan waxa tiriya abwaan naftii-hure ah, Alla i diray, Calafso. Waa nin wadooyinka Hargeysa meelaha googo’an buux-buuxiya, iyada oo aan ciddi u dirin oo aanu shaqaali dawladeed ahayn oo aan wax dhaqaale ah ciddi ku siin, ayaa iskaa wax-u-qabso keligii ku shaqeeyaa. Waxa uu shaqada marka uu qabanayo uu ku qaadaa heeso uu sameeyey oo wadani ah. Tani waxay ka mid tahay heesaha uu qaado, Calafso waa ciidaadii eh waa hees kale oo magac loogu bixiyey. Fikrada heestaasi waxay…
Waa Hoggaamiye/ Madaxweyne Cigaal oo weli sii wata hadalkiisii, waxaanu intaa hore ku kaabay: ‘Maanta Min-fadli Laahi' waa la wada joogaa nabad iyo wada-dhaqan ayeynu haynaa, haddii se la rabo in ujeeddooyinkii, qarannimo iyo dawladnimo ka dhabayno waa in aynu tallaabo cusub qaadno oo aynu qaran noqonno, taas oo qudha ayaa baasaaboor ah oo mujtamaca caalamka kaga qeyb-geli karnaa. Inta hay’adaheenu  ku dhisan yihiin beel iyo qabiil ee qarankani qiimo lahayn oo hiil iyo u halgan toona haysan, ma Ictiraafayo Caalamku qabaa’il isu tegay oo mid waliba ay iskeed u madax-bannaan tahay oo ay taladeedu gaar u tahay . Mujtamaca…
Isma ogo ismiidh iyo ninkii ayro fuufsaday eh Isma oga agoon iyo ninkii aabahood dilay eh, Isma ogo waraabaha amliyo awar habeensaday eh Dagaalkii dunida ee labaad markii Talyaanigu uu qabsaday Ethiopia iyo Somaliland isaga oo hore u haystay Somalia iyo Eretria, ayaa shaqaalihii iyo Booliskii Mamulka Somaliland ee ajnebi iyo Soomaaliba ahaa loo daad-gureeyey Cadan. Waxa Ciidammada British-ka ee ku sugnaa Cadani war-doon u dirteen xeebaha Somaliland, ciidammadaas oo uu ka madax ahaa Brigadier General Smith. Waxa xeebaha doonyo ku soo rogi jireen rag war-doon ah, waxa ka mid ahaa raggaasi Marxuun Maxamed Gees oo Awoowgay ahaa. Ayaan-darro Awowgay…
Hoggaamiye/Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, inta badan khudbadihiisa warqad kama akhriyi jirin. Wuxu ahaa hoggaamiye ku soo tababartay makrifoonnadii xisbiyadii gobannimo-doonka iyo kuwii mucaaradka ahaaba xilliyadii danbe ee madaxbannaanida la xaqiijiyay. Khudbado dhaadheer oo dacallo badan ayuu inta badan jeedin jiray oo taabanayay hadba arrimihii xilliyadaa taagnaa ama aawanaaba. Marka aad dhex qaaddo khudabadihiisa ayaad ka yaabaysaa murtida hodanka ee ku jirta iyo sida aanay wax badani u seegin ama uu uga hadlayo mowduucyo nolosha taabanaya. Waa kan mar kale isaga oo ka hadlayay Hay’adaha Caalamiga ah. Waa Hargeysa iyo 6dii Jeeniweri 1996kii, waxaanu yidhi: “Ama Nayroobi ayaad nagu sugeysaan…
Cigaal sida uu u arkayay Qalalaasaha Soomaaliyeed waxa uu markii ugu danbaysay ku xaqiijiyay dareenkii af iyo qoraalba ahaa ee uu siiyay wefdigii ugu danbeeyay ee ururka IGAD ee u socday qabanqaabada shirkii Nayroobi lagu qabtay 2004kii. Cigaal wuxu mar kale caddeeyay in aanay Somaliland qayb ka noqon doonin ee ay tahay in shirkaa lagu heshiisiiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya ka dibna la wada hadli doono iyada oo laba dal oo deris iyo xorba ah la yahay. Sidaas ayuu ku god-galay, naxariistii Janno Alle ha siiyo e’. Waxa kale oo iyaduna xus iyo xusuusba mudan in uu Maxamed Xaaji Ibraahin…
Bal aynu in yar dib ugu noqonno lixdankii oo ay xummaddii Midnimadii Soomaaliyeed heerkeedii ugu sarreeyay taagnayd. Midnimadu beryahaa hadaaq iyo halhaysba waa ay noqotay. Xuduud ma ay lahayn. Waxa laga hadli jiray beryahaa Shanta Soomaaliyeed oo kala ahaa: Somaliland, Soomaaliya, Xeebtii Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysan jiray (Jabuutida maanta), N.F.D iyo Soomaalidii Galbeed (Kililka 5aad ee maanta). Midnimada Soomaaliyeed iyo Soomaali-weynba waa la odhan jiray. Waxa ay ahayd riyo la jeclaa in ay rumowdo. Waa loo hawl-galay, suugaan badanna waa laga tiriyay. Iyada oo aragtidaa la wada rumeysnaa laga dhaqaaqayo, 26kii Juun ee 1960kii waxa xoroobay Somaliland, afar maalmood ka…
«StartPrev12345678910NextEnd»
Page 1 of 24

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Waxa Ku Haboon Inuu Majaraha U Qabto

Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), - 23.3%
Guddoomaha wakhtigan Muuse Biixi Cabdi - 30.7%
Wasiir C/Casiis Samaale - 20.7%
Muj: Maxamed Kaahin Axmed - 6.3%
Masuuliyiin Ku Cusub Saaxada - 19.1%

Total votes: 971
The voting for this poll has ended on: 25 Mar 2013 - 16:35