Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Waxaan daganahay Hargeysa, waxaa uu yidhi waxaan rabaa in la iga jaahil saaro, maxay diintu ka qabtaa dhaxal la wada lahaa oo rag iyo dumar la wada lahaa oo mid kamid ah raga dhaxal kaas lahi guursaday oo xoolihii oo aan la qaybin badh laga siiyay shareec

Bismilaah Alxamdulilaah; Dhaxalka waxa ku xadgudbi jiray wakhtigii hore Islaamka ka hor Jaahiliyada ka hor oo wuxuunbay odhan jireen dhaxalka wuxuunba wax ku leh raga xooga leh ee dagaalami kara haddii xoolaha lasoo weeraro. Markaas dumarkan iyo caruurtan iyo maatidii haddii aanay dagaalka ka qayb galahayn oo waxba aanay tarahayn yay dheeftiina waxa ku yeelanin waana qiyaas faasid ah. Sidaas darted ayuu Qur’aanku ku eedeynayay “ Dhaxalka aadbaa u cuntaan aduunyadana aad baa u jeceshihiin “. Nabiguna CSW waxa uu ka warbixinayay In arinkii is badalay dhaqankii Jaahiliyada ee liitayna meesha uu ka baxay sidaas darted aanay suuroobayn banaanayna qofna inuu ku xad gudbo qof kale xaqiisii, Markaasuu waxa uulahaa “ Waar Qof walawba ogoow Ilaahay waa uu siiyay qof walba rag iyo dumar, xaqiisii ayuu u cayimay oo uu siiyay,sidaas darted xataa dardaarankii ayuu Nabigu CSW xidhay Ileen wakhtiigi hore dardaaran ayuunbaa  jiray  ee dhaxal ma jirin. Se markii dhaxalka ay Aayaduhu ka warameen ee Suuratul Nisaa ku sugan sida aayada 11 iyo 12, Qof waliba xaqiisaas uun ha qaato oo dardaarankiina waxba kuma yeelanayo qofkii oo waa ka xidhmayaa.

Mar kale Nabigu CSW waxa uu ku lahaa “ Faraaidka qof walba inta uu Ilaahay u cayimay siiya wixii soo baaqi garoobana waxa qaadanaya Tolka ugu dhaw amma ka ugu xigtaysan, markaas dadku sidaasay u kala leeyihiin buu laha Nabigu CSW “ Inagoo hadaba Nusuustaasi tix galinaya waxa haboon inaynu noqonaa dad mar walba baadigooba shay xalaal ah, aduunyo nha raadiyo hase ahaatee shay xalaal ah ayuu raadinayaa goor walba. Caadadan inagu aynu isticmaalo amma Su’aashani habka ay u dhacayso wixi la odhan jiray Yabadhka  oo reerkii wlaiba baadiyaha ayay iska badantahay, siday xooluhu iskugu jiran aya waxa la samaynayaa ninbaa guursanaya caruurtii kamid ah, dabadeed in waa lagu yabdhayaa isaga oo qayb loo jraa bay noqonaysaa oo uu iska isticmaalo xoolihii dhaxalka ahaa ina wuu ka yarad bixinayaa oo dee cidii uu ka guursaday ayuu siinayaa, idan markaasaa la odhanayaa ninkaa hebel isagu wuu gaasa-baxay oo dee intiisii goosay weeye, kii labaad ayaa guursanaya, kii saddexaad ayaa isna guursanaya. Markaa waxa dhacaya in xoolihii uun raggi iskugu biyo shubtaan. Hooyadii iyo hablihiina halkan bay iyagu soo taaganyihiin oo yabadhna  lama siinin yaradna iyaga lagama bixin arinkoodii. Markaas midhka meesha ku jiraa waxa weeyi in horta wixii la qaybiyo oo sifadii sharciga ahayd loo qaybiyo. Markaas haday doonayaan hablaha iyo hooyooyinku iyagu haba siiyeen inamadii oo haku soo celiyeene, laakiin Islaamku wixii uu siiyay ee Qur’aanka dhexdiisa uu ugu qadaray horta in la siiyaa midhka meesha ku jira weeye. Haddii kale oo aanay taasi dhicin dee Jaahiliyadaa carbeed faldanbiyeedkaas ay samayn jireen ayuunbay noqonaysaa dulmina way noqonaysaa. Markaa in wixii la xalaaleeyo xoolihiina loo quudho dadka maatida ah ileen Ilaahay baa siiyaye. Oo Markii horeba Xoolahan Ilaahay ayaa bixiyay kii amaanada uu ugu dhiibayna waakan ka dilay, idinkii kusoo hadhayna inaad dulmi ku qaadataan maaha. Markaas waxa weeye sida adiladaas aynu soo aragnay ay ka waramayso waa inuu qofku xaqiisuun ku eekaado wixii kale ee uu qaadanayaana in wax uun la siiyay uu ku eekaado weeye.

Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

 

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner