Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Sheekh Masuuliyiin Dawladeed marka xil loo magacaabayo waa la dhaariyaa, mudadii ay hayeen hadii ay dhamaato oo looga maarmi waayo in mudo loo kordhiyo intay doontaba ha ahaatee. Sidaasi dabadeed loogu kordhiyo, ma dhaar danbe ayay u baahan yihiin mise s

Shaygan la yidhaah dhaartee ee qofka masuul ka ah la dhaarinayo amaba markhaatiga la dhaarinayo, mashruucba maba ah, masuulka dhaarba laguma lahaba. Masuulka Islaamku waxa uu shardi uga dhigay inuu yahay qof miyir qaba oo aynu uga jeedno inuu yahay qof diin iyo amaano iyo Iimaan leh oo xilkii lagu aamini karo oo Iimaankiisu celinayo. Kol hadii qofkaas Iimaankiisa iyo Cadaaladiisa lagu kalsoonyahay, masuuliyada waa loo dhiibayaa ee loo ma talo saaranayo kitaab uu baalaha gooyo oo uu ku dhaarto.

Dhaartu umadaha kale ee aan Islaamka ahayn bay inooga timi. Iyaga ayaan kalsooni badan ku qabin marar badan qofka masuulka ah, sidaas daraadeedbaa walaha loogu sii adkeeyaayoo iyagu ay dhaariyaan. Laakiin xaga hogaaminta wakhtigii Rasuulka SCW iyo khulafadii  iyo dadkii wanaagsanaa ee hogaaminta iyo siyaasada umada Islaamka ugu horeeyay barnaamijka siyaasadee Islaamku wuu cadyahay. Markaas waxyaabaha kale ee umadaha kale la inooga soo waariday ayuunbay dhaartu kamid tahay, hadii markaas Amaanadiisa iyo Imaankiisa lagu kalsoonayahay dee wuu inagu filanyahay, hadii shaki laga qabana dee kitaab inaga joojin maayoo wuu kazoo dul boodiiye kolka horeba  ayaan waxba loo diranayninba.  Walaahu Aclam.

 

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner