Salaada Sunaha ee Salaatul Laylku waa Imisa Rakcadood ugu yaraan iyo ugu badnaan? Saacadee ayaana ugu haboon inaad tukado salaatu Laylka? Xidhashadu se waa maxay inaad tidhaahdo? Jawaab Sh. Maxamed Sh Cumar Dirir |
|
Bismilaah Alxamdulilaah: “ Horta Salaatu Layl dhawr arimood oo magacyadooda sharci aad ku maqasheen baa isku mid uun ha; sida Salaatulayl, Qiyaamu layl iyo Salaatu Taraawiix, Salaatul Tahajud iyo Salatul Witri. Intuba waxay noqonayaan salaada sunaha ah ee la tukado marka Cishaa iga iyo sunihiisaba la tukado kasii danbaysa ayaa magacyaashaa iska leh. Waa salaada habeenkii la tukanayo uun. Haddii qofku inta uu seexday kadib uu soo kaco, oo salaadii uu u kacona magaceeda TAHAJUD ayaa la yidhaahdaa, waa salaadii habeenkii loo kacay; Haddii rakcada u danbaysaa Witri ay tahay, oo rakcada u danbaysaa tiro kala dhimantahay waa sida wacane’, oo tiro is dhiman mid lagu danbaysiiyayna Salaatu WITRI ayaa la yidhaah. Haddii salaadaa la tukanayo bisha Ramadaana salaatu TARAAWIIX ayaa la yidhaah. Markaa waa isku mid uun. Salaadaas Nabi Maxamed CSW , waxay Caaisha Nabiga ka warinaysaa in uu tukaday 11 Rakcadood. Riwaayaadka Qaarkoodna 13 ayay sheegayaan. Culimadu waxay yidhaahdaan Riwaayada 13ka sheegaysa waxa laga yaabaa inay labadii cishaaigu la socdaan. Riwaayada 11ka sheegaysaana inay 2dii cishaa iga ka reebtay . Halkaas waxa ka muuqanaya sida afdalka ah ee wanaagsani inay 11kaas tahay. Waxayse culimadu u badan yihiin, haddii qofku uu ka kordhiyana inay markaa Mashruuc tahay oo laga badin karo 11kaas. Waayo Nabigu CSW waxa uu xadiis ku yidhi, salaada habeenkii waa Laba Laba, marka aad subaxa, marka aad subaxa ka baqato ee aad ka dhawrsatana waxa aad samaysaa buu Nabigu CSW leeyahay xabad Witri ah kusoo gabogabee. Marka halkaa waxaad ka arki kartaa cadad keedu intee buu noqon karaa, intee baana u fadli badan. Marka Salaada La Akhriyayo wax kale oo la akhriyayaa ma jiree Nabigu waxa uu yidhi CSW “ Camalku waxa uu ku ansaxayaa Niyada” Markaa waxa uunbaa niyoonaysaa inaad tukanayso salaadii Taraawiixda, Witriga oo wax kale oo aad akhriyaysaa ma jirto. Waayo markay cibaado tahay waxa aynu u cibaadaysanaynaa sidaa Rasuulka Ilaahay SCW kazoo aroortay, sidaasaana Ilaahay inagu adoonsaday.
|
Rayiga Dadweeynaha
- Warbaahinta Caalamiga Ahi Maxay Ka Tidhi Shaqaaqadii Dadku Ku Dhinteen Iyo Xukunka Dilka Ah Ee Sida Deg-dega Ah Maxkamada Milatarigu Ugu Qaaday 17-ka Qof..?
- Maraykanka Oo Muhaajiriin Somali Ah Ka Daad-gureynaya Jasiirada Malta Iyo Tahriibta Dhalinyarada Reer Somaliland Oo Aad U Kordhaya
- Maxkamada Gobolka Hargeysa Oo Dhageysiga Dacwada Masuuliyiinta Eedaymaha Musuqmaasuq U Xidhan Maanta Dib Ugu Dhigtay Codsi Uga Yimid Ciidamada Booliska
- Wasiirkii Hore Ee Cadaaladda Oo Xukuumada Talada Haysa Ku Dhaliilay Sidii Loo Maamaulay Safarkii Madaxweyne Siilaanyo Ee Dalka Shiinaha (Dhageyso).
- Ma Dhab-baa In Madaxwayne Axmed Siilaanyo Laba Maalmood Ka Hor Safarkiisa Shiinaha Afhayeenka Madaxtooyadda U Qoray Warqad Uu Xilka Kaga Qaaday….?
- Nuxurka Heshiiska Madaxwayne Siilaanyo Ku Soo Saxeexay Shiinaha Iyo Shirkadda Shidaalka Ka Soo Saaray Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Qorhe Hawleedkeeda + Dekeda Berbera Oo La Wareegaysa Hawlihii Dekedda Djabuuti.
Photo Gallery
Shaqooyinka Banaan
| Job Title |
|---|
| Assistant Engineer - Hargeisa |
| Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa |
| Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo |
Arimaha Diinta
Voting Poll
Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?
Total votes: 71




