Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

In qof ixraamtay, isla markaana ka ixraamtay Jidah isagoon kasii ixraaman magaaladii uu daganaa sida Hargeysa oo kale qofkaasi ma waxa lagu leeyahay Fidyo, mise ixraamkaasi uu Jidah ka dhex ixraamtay ayaa sax ah?

Bismilaah Alxamdulilaah; Waxa xajka iyo cumaraduba leeyahay miiqaat Samaani ( wakhti) ah iyo mid Makaani(meel) ah. Markaa miiqaadka Samaaniga ah ee cumradu wakhti walba wuu noqon karaa. Ilaa dee qofkaa xaajiga ah ee camalkii xajka ku jira ayuunbaan cumraysan karayn. Miiqaadka Makaaniga ahna, dee qofku markanu ahayn Ahlul xaram ee meelaha kale uu ka imanayo, meesha uu soo marayo inuu kasii xidho weeyaan. Qaybteenan kacbada hawdkasoo xigna waxaynu ka xidhanaynaa meel YALAMLAM la yidhaahdo oo ka sokaysa xaramka oo dee marka ay diyaaradu sii dul marayso qofka loo sheegayo. Haddii taasi uu kaba baqdo oo uu is yidhaahdo dee dadkani dad la rumaysan karo amaaha diyaarada wada amaba uu is yidhaahdo cid kuu sheegtaba ma helaysid. Dee jabuuti iyo Barbara iyo marka uu kasii duulayo inuu sii ixraamto weeye.

Laakin hadaba sidaas su’aasha ku jirta haddii uu qofku dhaafo miiqaad kii makaaniga ahaa, dhiigaasi waa lagu yeelanayaa oo fidya ayaa ku waajibaysaa inuu neef adhi ah qalo. Oo qofku waxyaabaja mukhaalafaadka ah ee uu samaynayo xajka dhexdiisa ayaa markaalaba iskugu jira. Inuu shay waajib ah ka tago iyo inuu shay rukni ah ka tago. Markaa arkaanta haddii uu mid ka tago dee cumardiisii Waxba kama jiraan bay noqonaysaa, tusaale ahaan ; Ixraamka, dawaafka,  Sacyiga iyo Xalqiga. Inuu marka hore sii xidho, inuu dawaafo kacbada, iyo inuu inta u dhaxaysa SAFA iyo MARWA sacyi sameeyo iyo inuu marka timihii gaabiyo amma xiirto. Afarta weeye arkaanta cumaradu, cumardiisiina ma ansaxayso afartaa hadii uu mid ka tago. Laakin miiqaadka oo la xidho, oo macnaha miiqaadkii oo la dhaafo iyagu waajibaadkii ayay kamid noqonayaan, sidaas darted fidyo ayaa lagu yeelanayaa qofkii. Waxa laakin fidyadaasi ay kaga dhici karaysaa isagoo miiqaadkii kusoo noqdo, amaba miiqaad kale uu tago. Walaahu Aclam

 

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner