Wararkii Ugu Danbeeyay ee Soomaaliya (Somali iyo Ingiriisi) | Wararka Ganacsiga | Wararka Ciyaaraha | Wararka Ku saabsan dhaqaalaha

Hadhuudh baan meel galbeedkaasi ah ka beertay. Warqad baan dirtay oo waxaan idhi hadhuudhkaa ka bixiya fidrigii la igu lahaa. Fidrigaasi sidaa ma igaga gudmayaa?

Bismilaah Alxamdulilaah; Kol haddii dee uu yahay hadhuudhku raashin hagaagsan oo dee kii ay cunayeen ah. Wixii ay beertaanbay dee kolay dadka beeralayda ahi cunaan. Kolkaa haddii reerkii hadhuudhka hayay uu yidhi bixiya. Dee way soconaysaa oo isagiina way ka soconaysaa. Maxaa yeelay dee sakadii xoolahaba inuu cid u diro sida caruurtiisa kuwa roonroon amma dadka masuuliyiinta ah  inuu yidhaahdo inaga bixiya sakadii xoolaha way u banaanayd. Markaa sakaatul fidrigiina inuu yidhaahdo iyagoo reerkii raashinkii haya oo uu kayimi inuu yidhaahdo aniga iyo idinkaba inaga bixiya Sakaatul Fidriga intuu waraaq u qoro, dee wuxuubay noqonaysaa wakaalasho. Mar haddii isagii masuulka ahaa uu wakiishay dadkii uu ka bixin lahaa qaar kamid ah waa wax iska banaan. Xaaskuu wakiilan karaa, inamadiisa waa wayn, hablihiisa waawayn ayuu wakiilan karaa inuu yidhaahdo inaga bixiya. Markaa midaasi waa mid ka ansaxaysa.

  

 

Rayiga Dadweeynaha

Photo Gallery

Shaqooyinka Banaan

Job Title
Assistant Engineer - Hargeisa
Community Safety Consultant - Burao - Hargeisa
Field Geologist: NUBIAN GOLD CORPORATION - Hargeisa- Arabsiyo

Arimaha Diinta

Halkan ka akhriso Jawaabaha Su'aalihii aad noo soo gudbiseen todobaadkan. Waxa idiinka jawaabaya su'aalaha todobaadkan Rabi Ajar iyo xasanaad haka siiyee Sh. Maxamed Sh Cumar Diri.

 

 

Voting Poll

Muxuu Yahay Dareenka Ka Dhashay Kulankii Dardaaranka Ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo La Sii Yeeshay Masuuliyiintii Ka Kala Socotay Xukuumadiisa Iyo Xisbiga Kulmiye?

Mid uu ugu bandhigayey qaadashada fasaxiisii caadiga ahaa ee uu dastuurku jidaynayey. - 25.4%
Mid uu ugu bandhigayey xaalad cusub oo ku soo korodhay isbed-bedelka siyaasadda gobolka, xaaladaas oo adag in uu xilligan bulshada u bandhigo. - 19.7%
Mid uu ugaga waramayey isbedel ku yimi xaaladiisa caafimaad. - 22.5%
Mid uu ku sii uruursanayey talooyinka iyo fikradaha uu la shir tegayo, socdaalka uu dhawaan ugu ambabaxayo dalka dibediisa. - 15.5%
Midna. - 16.9%

Total votes: 71
The voting for this poll has ended on: 28 Nov 2011 - 20:00

Banner

Banner